GARGAARKA LOO SAMAYNAYO BARAKACAYAASHA OO WAX KA BEDELEY NOLOSHOODA

0
142

Ururka aan dawliga aheyn oo qaabilsan is dhexgalka adeega bulshada iyo barakacayaasha oo layiraahdo (ISDP) oo gacan kahelaya Wasaarada Caafimaadka Puntland iyo hayada MDM (Medicine Du Monde France) ayaa kawada gudaha magaalada Bosaso gaar ahaan goobaha ay kunoolyihiin dadka barakacayaasha iyo qaxootiga howlo caafimaad oo laxiriira samata bixinta bulshada nugul ee u baahan adeega caafimaad.

Inkabadan 9,000 oo carruur ah oo dadoodu ay kayartahay 5 sono jir oo kunool kaamamka barakacayaasha magaalada Bosaaso ayaa heley gargaar caafimaad oo dhameystiran, waxaana inta badan xaruumaha MCH-yada ee kuyaal kaamamka Barakacayaasha magaalada Bosaso ee uu gacanta kuhayo Ururka aan dawliga aheyn ee is dhexgalka adeega bulshada iyo barakacayaasha lagu daryeelaa hooyada iyo dhalaanka la ildaran nafaqo darida sida cudurada laga daweeyo carruurta shanta sano ka yar iyo kuwa ka waaweyn, in hooyada markay umasha tahay ay hesho xanaanada ay ubaahantahay iyo kawar qabkeeda, iyo sidii loo heli lahaa hooyo caafimaad qabta oo dhasha carruur caafimaad qabta, lasocoshada koritaanka carruurta iyo caafimaadkooda, in laga daweeyo carruurta shanta sano ka yar cudurada ku dhaca habdhiska neefsashada, Shubanka iyo dhiig yarida. hooyooyiinka booqda xaruumaha MCH-yada ee uurka leh iyo kuwa ay nafaqo darida heyso ayaa iyaguna lasiiyaa daawooyiin fitimiino ah oo ka hortagaya dhiigla`aanta, nafaqo darada iyagoona laga baaro jirooyinka haweenka iyo xanuunka HIV AIDS-ka, waxaa sidoo kale shaqaalaha cafimaadka ee MCH-yada ay kadaweeyaan carruurta da’doodu ay ka hooseyso shanta sano 6-da cudur ee dilaaga ah, iyagoona talaalo siiya hooyooyiinka uurka leh.

Ururka is dhexgalka adeega bulshada iyo barakacayaasha ayaa wada barnaamijyo lagu hormarinaayo bulshada sida caafimaadka, biyaha, nadaafada, iyo waxbarashada
Mahad Cumar Xirsi waa kuxigeenka madaxa ururka (ISDP) wuxuuna yiri mar uu la hadlayey Radio Ergo “waxa ugu badan oo aan hada ku hawlanahay waa qeybta caafimaadka aasaasiga sida MCH-yada Biyaha iyo nadaafada, waxaana taageero kahelnaa wasaarada caafimaadka Puntland iyo hayada kashaqeysa caafimaadka ee MDM oo gacan naga siineysa daawada“
In badan oo kamid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa u dhinta xilliga dhalmada iyo kahorba nafaqo daro dhiigyari iyo dhibaatooyin uu keenay gudniinka fircooniga oo ah dhaqan ay joogteeyeen Soomaalida adeegsigiisa, waxaana lagu arkaa goobaha caafimaadka magaalada Bosaaso haween la ildaran mahadhada gudniinkankan.

Dr Salaado Xaaji Nuur waxa ay ka howlgashaa xarun caafimaad oo ku taal xaafada Tuurjaale ee Bosaaso waxayna ka warbixineysaa dhibaatada ay la kulmaan haweenka loogudey qaabka fircooniga ah “fircooniga dhibaato weyn ayuu u geystaa hooyooyiinka,  waa maree hooyadu qanjiradeedii baa la jaray intii sakiin loo qaatey, dhibaato weyn ayaa u imaaneysa marka ay weynaato oo la arooso iyada iyo ninkeeda rafaad baa kala raacaya, marka ay uurqaado oo ay dhalmo isu diyaariso dhibweyn iyo dhaawac baa soo gaaraya, xaga qanjirada dareenkeedii oo dhan baaba lajarey“

Kalkaaliso sare Nimco Axmed Maxamed oo kahowlgasha MCH-ka Kaamka Boqolka Buush oo ay ku noolyihiin barakacayaasha ugu badan magaalada Bosaso ee uu gacanta ku hayo ururka ISDP oo wadashaqeyn ka helaya wasaarada caafimaadka Puntland iyo heyada Medicine Du Monde France ayaa nooga warbixisey tirada dadka ay adeeg caafimaad u qabtaan inta ay la egtahay “600 oo ruux oo isugu jira hooyooyiin iyo carruur, baa soo booqata bishii MCH-ka nooc kasta ha uyimaadaane, ha u yimaadaan cuduro, ha u yimaadaan talaal ama hooyo uur leh, inta ay uurka leeyihiin waxaan lasoconaa habka caafimaadkooda uu yahay“

Hooyooyiinka qaar ee kunool xiryaha barakacayaasha magaalada Bosaso ayaa laga dareemaa nafaqo darro iyo tabar xumo xiliga uurka ama dhalmada kadib markii ay waayeen wax fitimiin ama cuno nafaqeysan ah taaso ay u saamixiweyday duruufta dhaqaale sida Raadiyaha Ergo uu u xaqiijiyey Cumar Cali Cismaan hase ahaatee hada waxaa socda olale hooyooyiinkasi lagu nafaqeynayo kadib markii la dhisey afar MCH oo hooyada iyo dhalaanka lagu nafaqeynayo, “way jiraan hooyooyiin badan oo uur leh oo nafaqo daran way noo yimaadaan, waxaan kula talinaa in hooyadu ay isticmaasho wax yaabaha ay heli karto oo cuntooyiinka nafaqada ay kujiraan, ha ahato dhinac qudaareed, ha ahaato dhinac daawo, ha ahaato dhinaca cuntooyiinka“
Isku soo wada duuboo colaadaha iyo abaaraha ka jira wadanka ayaa keenay in mawjado dad ahi buux dhaafiyaan xeryo lagu barakacay oo ku yaal magaalada Boosaaso, waxaa kaloo ka dhisan xeryo qaaxooti oo ay ku jiraan dad ka yimid dhinaca Itoobiya kuwaasoo ku nool xaalado qalafsan oo dhanka nolosha ah, waxaana wakhtigaan muuqanaya inay wax ka bedelaan noloshooda gargaarka ay gaysanayaan hay’addaha ka shaqeeya dhinaca samafalka.

Axmed Soomaali

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here