Kalluun lagu qiyaasey cadadkiisa 3-Tan oo aan nooleyn ayaa ku soo caariyey xeebta dekedda magaalada Boosaaso, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Cabdi-Waaxid Maxamed Xirsi Joocaar, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay sababsadeen Kalluunkaasi Wasakh iyo nafto lagu daadiyey nawaaxiga Dekedda.
“ Niman doonyo wata oo ka yimid dalka Yemen oo asalkoodu Kalluumeysato ahaa oo haatan shidaal lagu keeno, ayaa ku kala baddala kuna dhaqa doonyaha dekadda korkeeda meesha guhada ah. Kalluunka Ceydiga ahna isagoo dabeysha ka soo cararay ayuu meesha soo galaa, waxa ugu badan ee le`anaya waa kalluunka loo yaqaanno Carabi, waxa laayayna waa naaftadaasi gaartay.”
Dad badan ayaa qaba in nafto lagu daadiyey Badda aysan waxba ka beddeleynin nolosha Kalluunka Badda ku nool, ee sababta soo saartey tirada intaa la eg ee Kalluunka ay tahay Sun lagu daadiyey gudaha Badda.
Aamina Cabdullaahi oo ka mid ah dadka deggan xeebta Boosaaso ayaa waxay leedahay “Aniga aragti ahaan waxaan u heystaa in Kalluunkani ay Sun soo saartay, waayo 11 sano baan joogaa halkaan weligeyna hal mar baan arkay Kalluun waaweyn iyo Abeesooyin ka soo baxay Badda, laakiin hadda in Kalluun intaan la eg ay soo baxaan wax caqliga galaya ma aha waxaana is leeyahay Sun baa soo saartay.”
Qaar ka mid ah Kalluumeysatada xeebta magaalada Boosaaso ayaa iyaguna u sababeeyey arrintaasi iyada oo la gaarey xilligii Badda uu ka soo go`i jirey Kalluunka Ceydiga, oo aanu jirin wax sun ah oo lagu shubey Badda.
Cabdi Cali oo ka mid ah Kalluumeysatada ayaa wuxuu yiri “ Aniga waxaan is leeyahay Kalluunkan Ceydi ayaa la dhahaa xilli buu leeyahay uu Badda ka soo go`o, laakiin markii hore sidaan oo dhan uma soo bixi jirin intaan waa ka yaraa.”
Kalluunkan soo caariyey ayaa sababey nadaafad darro iyo caafimaad xumo soo wajahdey dadka ku nool xaafadaha ka ag-dhow xeebta, oo isku arkey xanuunno ay ka mid yihiin Hargab iyo Daaf.
“Dhibaato badan buu nagu hayaa sida Ur, Hargab iyo Daaf baanu ka qaadnay,” sidaa waxaa tiri haweeney ka mid ah dadka deggan halkaasi.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn nadaafadda xeebta Boosaaso ayna ka dhalan karaan cudurro, kadib markii la joogteeyey in lagu soo daadiyo wasakhda sida timaha la jaro, waraaqaha afka lagu tirtirto, bacaha reebreebka maqaayadaha iyo wasakh kale oo fara badan oo laga keeno xaafadaha.
Ma jiro olole rasmi ah oo wax looga qabanayo bilicda iyo nadaafadda xeebta magaalada Boosaaso oo iminka socda, waana markii ugu horreysay oo Kalluun tiradiisu ay ka badantahay 3- Tan ay ku soo caariyaan xeebta magaalada Boosaaso.
Baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee arrintan keentay ayaa socda, dib ayaana idinkaga soo gudbin doonnaa haddii eebbe idmo.
Axmed Nuur Soomaali/FM