RAYID KU DHINTAY DUQEYNTII JILIB IYO BARAKAC XOOGGAN OO HALKAAS KA TAAGAN

0
92

Cabsi iyo barakac xoog leh ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagantahay degmada Jilib iyo nawaaxigeeda, halkaas oo diyaarado ay leedahay Kenya ay duqeyn khasaare gaysatay ka gaysteen.

Ugu yaraan 8 qof  ayaa geeriyootay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen kadib markii diyaarad duqeyn xooggan ay ka geysatay gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayadoo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacyadu ay soo gaareen ay ku jireen dad rayid ah.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa dhaawacyadooda loola caray cisbitaalka deegaanka Mareerrey ee isla gobolka Jubbada Dhexe, halkaasoo adeegyo iyo kaalmo caafimaad loogu fidinayo.

Dadka duqeynta ku geeriyooday waxaa u badan Haween iyo carruur yar yar, waxaana dadka geeriyooday ka mid ah 4 carruur ah oo isku qoys ah.

Qof ka mid ah dadka ku nool degmada Jilib ee ay duqeyntu ka dhacday oo ka gaabsaday in magaciisao la sheego ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in diyaarado ay illaa 8 Gantaal  ku garaacday xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Jilib ka tirsan.

30-kii bishii October ee sanadkii 2011 ayay ahayd markii sidaan oo kale duqeyn ka dhacay degmada Jilib ay ku geeriyoodeen illaa 10 oo rayid ah halka ay duqeyntaasi ku dhaawacmeen 50 qof, waxaana ay dadkaasi ay ahaayeeen dad rayid ah.

Kenya ayaa sheegtay iyadu in ay duqeyn la beegsatay saldhigyo uu leeyahay ururka Al-Shabaab

Khadar Maxamuud Xared/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here