Warar saakay naga soo gaaray degmada Buuhoodle oo shalay dagaal uu ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kooxo ka mid ah dadka deegaanka oo hubaysan ayaa sheegaya in xaaladdu ay haatan deggantahay, inkastoo ay jiraan khasaare aan la cayimin oo soo gaaray kooxaha dagaallamay iyo dad rayid ah.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo u qaxay dhinaca xadka Itoopiya.
Takhaatiirta cisbitaalka degmada Buuhoodle oo la geeyay qaar ka mid ah dhaawacyada dagaalka ayaa sheegay in daawo la`aan ay ka jirto halkaasi, iyagoo tilmaamay in cisbitaalka uu helo daawooyin aad u yar, taasoo aan ku filnayn daaweynta bukaanno badan.
Degmada Buuhoodle ayaa ah goob ay si adag ugu tartamayaan maamullo kala duwan, iyadoo dhowr jeer oo hore iska hor imaadyo noocaan oo kale ah ay ka dhaceen.
Abdikariin Olol/MG/FM