SADDEX QOF OO XAALADO CAAFIMAAD DARRO AH UGU GEERIYOODAY TUULADA DEG-ILLIMA EE GOBOLKA JUBBADA HOOSE

0
24

Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka illaa saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen carruur aad u yar yar halka qofka  kalena uu ahaa qof da` ah ayaa xaalado caafimaad darro ah ugu geeriyooday Tuulada lagu magacaabo Degm-Illima, oo qiyaastii 12Km u jirta degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Labada carruurta ah ee geeriyootay ayaa waxay u geeriyoodeen cudurka Jadeecada oo ay maalmihii la soo dhaafay ay la xanuunsanaayeen, qofka kale oo isna ahaa qof da` ah ayaa wuxuu u geeriyooday xanuunnada Shuban biyoodka iyo Duumada oo iyaguna fara ba`an ku haya dadka ku nool tuulada Deg-Illima.

Maxamed Aadan Suraa, oo ka mid ah wax garadka tuuladaasi oo  la soo xiriiray Raadiyo Ergo ayaa sheegay in dadka  ay qabaan dhibaatooyin badan oo dhanka caafimaadka ah, isagoo sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeeyay cudurro ay ka mid yihiin Jadeecada iyo Duumada ay deegaanka ugu geeriyoodeen dad gaaraaya illaa Saddex qof halka ay la il daran yihiin oo ay la liitaan dad kor u dhaafaya 20 ruux.

” Tuulada Deg-Illimaa waa lagu dhib qabaa, dadka geeridiisa waa saddex qof, illaa 20-meeyo isugu jira carruur iyo dad waaweyn waa il daran yihiin, Jadeeco, Shuban biyood iyo Duumada ayaa fara ba`an dadka ku haya, wax caafimaad ah iyo adeegyo ah oo hadda tuuladaasi ka jirana ma jirto, marka xaaladda dadka Deg-Illima aad ayay helis ugu jirtaa.” ayuu yiri Max’ed Aadan Suraa oo kamid ah cuqaasha Tuulada Deg-illima.

Dadka ku nool tuuladaasi ayaa waxay la daalaa dhacayaan saameyntii ay ku reebeen abaarihii dalka ku dhuftay iyagoo ku waayay xoolahoodii, waxayna haatan ka codsanayaan hay`adaha samafalka inay ku caawiyaan adeegyo caafimaad oo deg deg ah.

Khadar Maxamuud/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here