MUHAAJIRIINTA SOOMAALIYEED EE KU SII QULQULAYA DALKA MUSAMBIIG OO SII KORDHAYA

0
66

Bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii hore illaa toddobaadyadii ugu horreeyay ee sanadkan cusub, ayaa waxaa soo kordhayay muhaajiriinta Soomaaliyeed ee galaya waddanka Musambiig kuwaasoo uga sii gudbaya waddanka dhaqaalaha loogu xisho ee Koofur Afrika, Soomaali kale ayaa iyaguna ku xir xiran dalka Tansaaniya xilli ay doonayeen inay ka sii gudbaan dalkaasi.

Wariyaheenna Koofurta Afrika inooga soo warrama Faarax Dubbad, ayaa sheegaya in bishan Janaayo keliya ay soo gaareen dalka Musambiig Soomaali gaareysa illaa 40 qof, taasoo ah tiradii ugu badneyd ee abid muddo gaaban soo gala dalkaasi iyagoo doonaya inay uga sii gdubaan dalka Koofur Afrika.

Muhaajiriinta Soomaaliyeed marka ay soo gaaraan dalka Tansaaniya waxay badanaa la kulmaan xarig, ciidamada xuduudaha dalkaasi jooga ayaa xira iyagoo isku dayaya inay si dhuumasho ah ugu gudbaan dalka Musambiig. Marka ay gaaraan dalkaasi ayaa waxay galaan xeryo qaxooti ah kuwaasoo muddo ka dib ay si iskood ah uga sii tallaabaan dalka Koofur Afrika.

Muhaajiriin u badan Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa sanad walba gala dalka Koofur Afrika, kuwaasoo safarro dhaadheer u soo gala sidii ay mar un u tegi lahaayeen dalkaasi oo ay mukhallasiinta soo wada ugu sheegaan inuu leeyahay fursado shaqo oo aad u wanaagsan.

Dhowaan ayay ahayd markii muhaajiriin Soomaaliyeed oo gaari xamuul ah uga gudbayay dalka Musambiig ay ku neef qabatoobeen gudaha gaariga oo kor looga qafilay, sidaasna ay in ka badan 10 ka mid ahaa ay ugu geeriyoodeen.

Faarax Dubbad/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here