Ku dhowaad hal malyuun oo qaxooti ah oo isugu jira Soomaali, Itoopiyaan, Eriteriyaan iyo dad kale oo Afrikaan ah ayaa taga dalka Yemen, dadkaas oo qaarkood ay yemen uga sii gudbaan Sucuudiga waxaana kuwooda awoodi waaya ay galaan xeryaha qaxootiga koonfurta waddankaasi ku yaalla.
Xerada Al-Kharas oo ku taalla koonfur galbeed ee Yemen, ayaa waxaa Soomaalida ku nool ay ka cabanayaan dhibaatooyin isugu jira saboolnimo daran iyo adeegyada caafimaadka oo aan ku filnayn.
Weriye Maxamed Maxamuud Muuse oo deggan dalkaasi yemen indhahiisana ku soo arkay xaaladda nololeed ee ay ku suganyihiin dadka Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ugu badan ee Soomaalida halkaas ku haysta ay ugu weyn yihiin adeegyada caafimaadka oo aad ciriiri ugu ah qaxootiga iyo nolosha qaxootinnimo oo in badan u horseeday saboolnimo.
Dhibaatooyinka iyo nolol xumada Soomaalida ku dhaqan dalka Yemen, ayaa waxaa u sii dheer dilal ay kala kulmeen kooxaha dagaallada ay ku dhex marayaan waddankaasi, iyadoo dhacdadii ugu dambaysayna dhawaan laba wiil oo Soomaali ah ay ku dhinteen is rasaasayn dhinacyo hubeysan ku dhex martay caasimadda Sanca.
Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay weriye Maxamed Maxamuud Muuse, waxaa iyana dhawaanahan qeybo ka mid ah dalka Yemen ay kooxo hubeysan afduub ugu geysteen dad qaxooti Soomaali ah, kuwaasoo ehelladooda la waydiistay madax furasho gaaraysa in ka badan 1500 oo doollar.
Yemen waxay ka mid tahay meelaha ay joogaan qaxootiga ugu tirada badan caalamka oo dhan.
Weriye Maxamed Maxamuud/MG/FM