Duqeymaha dhinaca cirka ah iyo howlgallo ciidan oo is barbar socda ayaa lagu soo warramayaa inay barakiciyeen boqollaal qoys, iyagoo waxyeellana ay soo gaartay tiro kale oo rayid ah.
Deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koofur galbeed Soomaaliya ayaa ka mid ahaa meelihii ugu dambeeyey ee maalmihii la soo dhaafay dagaallo culus iyo duqeymo dhinaca cirka ah ay ka dhaceen, iyadoo dhaqdhaqaaqyadaasna ay cabsi xooggan iyo walaacba ku abuureen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool dhulka miyiga ah , kuwaas oo qaarkood ay haatan billaabeen inay barakacaan ka dib markii ay u gagsan waayeen guuxa diyaaradaha hawada dul heehaabaya.
Sida ay ku warrameen goob joogayaal ah oo ku sugan tuulada Daableey barakac xooggan ayaa wali ka sii soconaya deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, halkaas oo duqeyn dhinaca cirka ah ay diyaarado ka gaysteen deegaanka Daableey.
Sheekh Maxamed Deerow oo ah guddoomiyaha tuulada Daabley ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in goobaha la duqeeyay ay ka mid ahaayeen baro ganacsi iyo goobo ay degganyihiin dad rayid ah, halkaas oo uu dhaawac ku soo gaaray labo qof oo rayid ah.
Sheekh Maxamed ayaa tilmaamay in cabsi darteed ay dadka qaarkood guryahooda uga baxeen, iyadoo ay jiraan tiro kale oo badan oo ay ka mid yihiin dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa ku sugan goobaha lagu dagaallamyo ay u diyaarsan yihiin in ay barakacaan.
Axmed Cumar Saalixi/MG/FM