Barakac uu sababay dagaal ayaa ku yimid dadka ku dhaqan tuulooyinka Ceelcadde, Faafaxdhuun iyo Buusaar kana tirsan gobolka Gedo oo maalmahii ugu dambeeyey ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa DKMG oo is kaashanaya iyo Xarakada Al-Shabaab ay dagaallo ku dhex mareen, waxaana saacadihii ugu dambeeyey wararka laga helayo degaannadaasi ay sheegayaan in halkaasi ay ka qaxayaan kummannaan qoys oo hor leh.
Qoysaskani barakacayaasha oo ah kuwii ugu fara badnaa ee ka carara dagaallada ka socda Gedo ayaa u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah waxayna intooda badan u carareen dhulka miyiga ah ee ku teedsan tuulooyinkaan dagaalladu ay saameeyeen si ay nafsadooda ugu helaan meel ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo wararka laga helayo deegaannadaasina ay tilmaamayaan in goobaha dadkaani gaareen ay ku haysato dhibaatooyin dhinaca nolosha ahi ma haystaan hoy, biyo iyo cunto toona.
Maxamed Sheekh Xasan (Bacle) oo ka mid ah odoyaasha deegaanka Ceelcadde oo la hadlayey Raadiyo Ergo ayaa sheegay in sababta ay uga soo barakaceen guryahooda ay tahay iyagoo u adkeysan waayey dagaallada ka taagan deegaannadaasi, sidaasi darteedna ay dantu ku qasabtay inay isaga tagaan guud ahaan guryahoodii.
“Dadku waxay dareemayaan colaad tii ugu darneyd weyna argagaxsan yihiin, Ceelcadde oo kale dadkii ku noolaa waxaa hadda ka jooga dad yar oo fara ku tiris ah oo donaya inay waardiyeystaan guryahii laga cararay.” Ayuu yiri oday Maxamed oo intaasi raaciyay in deegaanka Ceelcadde oo keliya ay ka barakaceen dad lagu qiyaasay illaa 4 kun oo qoys, dhibaatooyinka ugu daranna ay yihiin degganaansho la`aanta iyo cabsida duqeymaha diyaaradaha dagaalka isagoo tilmaamayna xitaa dhulka miyiga ah in dadkii ay isku aamini la`yihiin.
Oday Maxamed ayaa wuxuu sheegay in dhibaatooyinka haysta qoysaskan barakacayasha ah waqti xaadirkani ay ugu weyn tahay raashin la`aan, hoy la`aan iyo weliba dhibaatooyin caafimaad darro oo la soo dersay carruurta iyo dadka waayeelka ah, waxaana adag sida lagu gaari karo iyadoo dagaalladu ay xireen dhammaan waddooyinka.
Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dawladda kumeel gaarka ah Maxamed Cabdi Kaliil ayaa isagu raadiyo Ergo u sheegay in dagaaladu ka jiraan tuulooyiinkan dadku ka bara kaceen, wuxuuna ku daray intaas in dadka looga bahan yahay inay naftooda badbaadsadaan inta dagaladu socdaan, qorshaheenuna waa inaan ka fekerno sidii dadka rayidka loo badbaadin lahaa, gudoomiyuhu wuxuu qiray in duqayn ka dhacday deegaanka Ceel Cade dad rayid ahi dhibaato ka soo gaartay “waxaan isku dayeynaa inaan duqayn danmbe aan loo gaysan goobaha rayidka ah”
Deegaanada gobolka Gedo ayaan gebi ahaanba wax hay’ado gargaar ahi aysan ka hawl gelin, gudoomiyaha gobolka Gedo ayaana taas ku micneeyey dhibaatada dhinaca amaanka ah.
Dhanka kale degmadda Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose kana gaabsaday inuu magaciisa xuso ayaa Ergo u sheegay n in dhibaato cunta yaraani weli ka jirto deegaankaas dad badanina ay cunaan calleenta la yiraahdo Carmada si ay ugu noolaadaan, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin haba yaraatee wax gargaar ah oo la gaarsiiyey deegaanka Qooqaani oo hadda ku dhowaad saddex bilood ciidamo isku hor fadhiyaan.
Axmed Cumar/MH/FM