Tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah ayaa ku dhintay waadanka Tansaaniya, kadib markii ay ku neef qabatoobeen gawaari nooca xamuulka ah ee qafilan laguna qaado alaabooyinka oo si sharci darro ah loogu tahriibinayey.
Sarkaal u hadlay booliiska Tansaaniya ayaa sheegay in 20 qof oo Soomaali muhaajiriin ah ay ku dhinteen gaari konteenar ah meel 200 km u jirta caasimadda Darasalaam kuna dhow xuduudka Sambiya, dadka dhintay ayaa kala ahaa 3 haween ah iyo 17 rag ah.
Weriyaha Raadiyo Ergo Faarax Dubad ee Musambiig kuna sugan hadda xadka Tansaaniya ayaa sheegay illaa 12 qof oo Itoobiyaan ahi iyaguna ku dhinteen deegaanka Morambora, kuna dhow xuduudka Sambiya, waxaana dhaawacmay 22 qof, gaarigaan oo ahaa nooca kunteenarka alaabta lagu raro wuxuu siday 50 tahriibiyaal Itoobiyaan ah, kuwaasoo doonayey inay si sharci darro ah ugu tallaabaan waddanka koonfur Afrika, iyadoo gaariguna uu ka ambabaxay Kenya, warar kale ayaa sheegaya in 5 ka mid ah dadkii dhaawac ahaa dhinteen.
Safarka tahriibka ayaa sanad kasta galaafta nolosha boqollaal Soomaali ah kuwaasoo isaga kala goosha daafaha caalamka, waxaa kaloo jira kummannaan iyaguna xabsiyada ku jira.
Faarax Dubad/MH/FM