Mandheera oo ahayd magaalo jawigeedu ahaan jiray kuleyl aad u sarreeya, oo uu mararka qaar gaaro heer kulkeedu 40 Digree ayaa qabowga hadda ka taagan oo badankiisa soo dhaca markuu habeenku dumo ama casar-liiqii la gaaro wuxuu noqday mid ay si weyn u hadal hayaan bulshada halkaas.
Jawiga cusub ee ay magaaladani gashay oo la saadaaalinayo inuu waqti kooban oo aad u yar socon doono ayaa dhibta uu ku soo saa’idiyay dadka waxaa ka mid ah xanuunno ay ka mid yihiin hargab, iyo qufac oo qandho daran wata, maqaar qalleel iyo faruuryaha oo oo ka wada dillaacay inta badan dadka.
Maxamed Aadan oo ah mid ka mid ah bulshada ku nool magaalada Mandheera ayaa Ergo u sheegay in aaney wali arkin mid la mid ah qabowgaas, waxaanu intaas raaciyay in farqiga u dhaxeeya is beddelka labada Jawi ee magaaladaas ay ku keentay noloshooda culeys dhinacyo kala duwan ah, taasoo sida uu ii sheegay beddeshay qeybo badan oo k amid ah noloshoodii dabiiciga ahayd.
“Qabowgu dadka dhan ee magaalada aad buu u saameeyay oo dadka wajiyadooda haddaad fiiriso waad yaabeysaa jac-jaca ka muuqda, xitaa Masaajidii dadku wey soo aadi la’yihiin oo meeshii 10 saf ahaan jirtay maanta waa labo ama hal saf, marka qabwqgu aad buu u saameeyay dadka magaalada. Inta aan magaaladaan ku noolaa wali ima soo marin qabowgaan oo kale, dadkana waxaa ugu liita waayeellada” ayuu yiri Maaxamed oo qudhiisu k amid ah kuwa ay xaaladdani saameysay.
Dadka magaaladaas ku nool waxaa caado u ah inay cabaan biyo fara badan, taasoo magaalada ka dhigtay mid looga iibiyo meelo badan oo ka mid ah gudaheeda nuucyada kala duwan ee biyaha, ha ahaadeen kuwo dabiici ah ama qaar la farsameeyay, hase ahaatee qabowga hadda ka jira la ajligeed dadku maba cabayaan biyo fara badan, waxayna bulshada halkaas haada badsadaan isticmaalka sharaabka kulul ama diirran.
Maalintii jawigu waa iska caadi inta badan, laakiin qabowga gala jirka dadka xilliga habeenkii aa ayaa sababa inuu ku dhex keedsamo oogada noolaha oo illaa iyo maalinkii jawigu waa qabow oo kale, dadka qaarna sida waayeellada, carruurta iyo kuwa kale ee aad ujilicsan waxa uu jawigu u yahay isku mid habeen iyo dharaarba, waxaana inkasta oo ay qorraxdu muuqato maalinkii, haddana jirin jawi diirran, iyadoo dhaxanta laga dhaxlay qabowgaas uu sababay in iska daa habeenkii xitaa la xirto maalintii dhar adag ama culus si la isaga difaaco qar-qaryada.
Marka aad booqato ama gaarto dukaamada lagu iibiyo walxaha leysku qurxiyo waxaa dhooban dad ka fara badan intii caadiga ahayd oo iibsanaya saliidda ama kareemada maqaarka la marsado iyo kuwa dibnaha lagu jilciyo, si aaney u adkaan ama u jeex-jeexmin, waana mid kamid ah xaaladaha ay ku soo kordhiyeen qaboobaha jira oo hadda sii dhaafaya muddo toddobaad ah.
Sidaasoo kale, sida aynu ku heleyno wararka innaga soo gaaraya deegaannada ku xeeran degmada Mandheera, qabowgu waa uu ka jira, walow ay u sii kala daran yihiin, waxaana ka mid ah meelaha heerkulkoodii caadiga ahaa uu aad u sarreeyay ee hadda laga la`yahay diirrimaadkii, degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo-Soomaaliya iyo Suuf iyo Doolow Caddoo oo iyana ku yaalla dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, giyigaasoo u dhow Magaalada Mandheera.
Nuur Cali Faarax/MG/FM