inkasatoo is badel ku yimi dhaqanka guurka dhisida guryaha aroos yada hadana waxaa jira meelo uu dhulka Soomaalilada kaga siii hadhsan yahay laguna arkayo xilayada barwaaqada ah aroosyada ladhisayo, haddaba mar aan socdaal ku taganay deegaanaka Kalabaydh oo ka tirsan gobolka Sool waxaan la kulamay dad reer miyi ah oo wali haysta dhaqa kii aroosyada ee Soomaalilada lagu yiqiin, waxa indhahaaga markiiba soo jiidanaya aqalwayn ku wa ay dhistaan haweenka miyiga jooga, gurigaas oo aad u baaxad weyn markaad dhan kasta ka eegto.
Cali Cismaan Jibriil waa aqoonayan dhanka aroos dhisida aad uga qayb qaata wuxuu Radiyo Ergo uga waramay qaabka aroosayada loo dhiso wuxuu yidhi “aqalka aroosku waa ka duwan yahay aqalada kale ee aan dhisano, wuuna weyn yahay, wuxuuna ka kooban yahy rar, saan, dhig mid hoose iyo mid loola oo xaga sare lasaaro, xadhig iyo tiir loo gooyo, rarradu waxay ka kooban tahay todob, saamuhu waxay kakooban yihiin lab, dhigaha hoose waxay ka kooban yihiin lix ama sideed, dhigaha loolalka sare labaatan la is ku daba xidhay waa afartan iyo kabadan iyo laba jarco iyo laba dheeg saar iyo sadex dulsaar waxaan ilaalinaa cabirka aqalka arooska wuxuuna u dhigmaa sadex aqal oo aan ahayn kuwa arooska loogu tala galay.
Dhanaqanakaa wuxuu yahay midka haga umadaha tusana jiritaan kooda taariikheed kana ilaaliya, is aysan ula kulmin is bedel dhanaka taariikhda ah, Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan ilaaliya jiritaanka Soomaalinimada in kasatoo aad arkayso xaalado badalaya dhaqanka reer miyiga iyo kan magalada oo aan hore loo aqoon, majiraan dad si rasmiya hada u isticmaala weelkii agabkii lagu dhaqmi jiray xataa aroosyada miyiga waxaa la keenaa ood arkaysaa iyadoo laga dhisayo guryaha caadiga ah ama sandaqad, waa arin dhibaato wayn ku haysa dhaqan ka Soomaalida hadaan wax laga qaban keeni doonta in lawaayo ruux ka sheekeeya dhaqanaka suuban loona hayaamo dhaqamo kale oo dhibaato ku soo kordhiya deegaanada Soomaaliada ay kun oo shahay .
cabdikariim Olol/MH