DADKA DEGGAN GARACAD OO ISKA KAASHANAYA JOOJINTA HOWLAHA BUDHCADBADEEDDA

0
84

Deegaanka Garacad oo ka tirsan degmada jarriiban ee gobolka Mudug ayaa bilihii ugu dambeeyey waxaa ka socday shirar iyo wadatashiyo aad u ballaaran oo ay yeelanayeen bulshada deegaankaasi, kuwaas oo ka tashanayay habka ay u wajihi lahaayeen sidii ay uga joojin lahaayeen deegaanka Garacad burcad badeedda Soomaalida oo saldhig u  aheyd  kana duuli jiray sanadihi ugu dambeeyey.

kulamadaas ayaa waxaa lagu go`aansaday abuurista ciidamo si goonni ah uga hortaga duullaamada ay ka samaynayaan deegaanka xeebta ah ee Garacad iyo dhererkeedu lagu qiyaasay 165km. Sidoo kalana waxaa la billaabay wacyigalinno iyo fariimo loo dirayo kooxa burcadbadeedda ka mid ah, kuwaasoo looga digayo inuu dhammaaday xarumihii ay ka duuli jireen ee ku yaallay deegaanka Garacad. Waxaa kaloo dadka deegaanku isu xilqaameen inay sameeyaan guddi si gaar ah uga shaqeeya socodsiinta howlahaasi.

Maxamuud Jaamac Diirshe oo ka tirsan odayaasha deegaanka Garacad ayaa Raadiyo Ergo u sheegay “Maanta laga billaabo waxaan u sheegeynaa ragga budhcadbadeedda ah inaysan isku soo aadin deegaanka, aysanna haba yaraatee ka jiri doonin howlo budhcad badeed.”

Sidoo kale kulamadii ay yeesheen bulshada reer Garacad waxaa ka soo baxay in la sameeyo ciidan kala dagaallama burcad badeedda, guud ahaan goobaha ay horay ugu lahaayeen fadhiisimaha xeebta Garacad.

Taliyaha ciidanka la dagaallanka buracadbadeedda deegaanka Garacad Axmed Cismaan Cali, oo ku sugan saldhigga booliiska ee Garacad ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay hawl gallo markaas ka soo gurya noqdeen ku soo qabqabteen doonyo, qalab iyo rag bucadbadeed ah.

Dhinaca kale waxaa Raadiyo Ergo isku dayey in uu wareysi la yeesho dhalinyaro la sheegay inay isaga baxeen howlaha burcadbadeednimada oo u dhashay deegaankaas ayaa ka cudur daartay in ay nala hadlaan sababo ammaan awgood.
Dadweynaha reer Garacad oo Raadiyo Ergo weydiiyey sida ay u arkaan howlaha la dagaallanka buracadbadeedda oo la doonayo in laga suuliyo deegaanka Garacad ayey ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin in laga tirtiro in ay hoy u noqoto Garacad ama ay ka duulaan budhcad badeeddu, waxaa kaloo ay codsadeen hooyooyin ku nool Garacad in loo soo daayo dhallinyaro ay sheegeen in ay u xiran yihiin howlo budhcad badeednimo.

Deegaanka Garacad ayaa sanado badan xarun u ahayd budhcadbadeedda ka qawlaysata xeebaha ku teedsan Soomaaliya, iyagoo ku soo afduubtay maraakiib dhowr ah oo ay ka qaateen lacago aad u badan oo madax furasho ah, waxayna howlaha budhcadda iyo lacagta ay ka qaadanayaan ku keentay deegaanka isbededl dhinaca dhaqanka iyo dhaqaalaha ah, iyadoo wax badan oo dhibaato ku ah nolosha dadka ku beeray deegaanka gaar ahaan haweenka.

(Halkaan ka akhri warbixinti dhibaatada dhaqan dhaqaale ee budhcad badeeddu ku keentay degmada Garacad) riix

Howlaahan lagula dagaallamayo budhcadbadeedda ee hadda laga billaabay deegaanka Garacad waa kuwo ay si ballaaran uga wada qeyb qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaasoo sheegay inay dhibaato aad u xun kala kulmeen bucadbadeedda ka howgali jirtey deegaanka ku teedsan xeebaha degmada jarriiban ee Garacad xudunta ay u tahay.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here