Dad gaaraya illaa 10 ruux ayaa geeriyooday, ku dhowaad 40 kalena waay dhaawacmeen ka dib markii gaari ay saarnaayeen uu shalay gelinkii dambe kula rogmaday meel u dhow saldhigga Waabari ee waddada Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.
Shilkaasi ayaa waxaa dhammaan dadka ay waxyeelladu ku soo gaartay ay ahaayeen taageerayaal ka soo laabtay ciyaar kubadda cagta ah oo ku qeybsanayd tartan ciyaareedka degmooyinka gobolka Banaadir.
Sida uu noogu soo warramay weriyeheenna magaalada Muqdisho Yuusuf keynaan, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa u gurmaday boqollaal ka mid ah dadka reer Muqdisho iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika oo goobtaasi ka ag dhawaa.
Saraakiisha caafimaadka cisbitaalada Muqdisho, ayaa saaka xaqiijiyay in illaa 3 k amid ah dhaawacyadii shalay la gaarsiiyay ay dhinteen, iyadoo ay ku dadaalayaan in xaaladdooda wax laga qabto.
Shilkan ayaa noqonayaa kii ugu darnaa ee sanadkan 2011ka ka dhaca magaalada Muqdisho, oo inta badan dhacdooyinka ka dhaca ay yihiin dagaallo iyo iska horimaadyo dhex mara dhinacyo iskhilaafsan.