Xaaladda boqollaal kun oo Soomaali ah kuwaasoo ku tiirsanaan jiray taageerada dhaqaale ee dibadaha ayaa khatar ku jirta, ka dib markii banki ku yaalla dalka Mareykanak uu go`aan ku gaaray inuu albaabada isugu dhufan doono dhammaan shirkadaha xawaaladaha eek u yaalla gobolka Minnesota marka la gaaro 30-ka bishan December, sida laga soo xigtay ilo gudaha iyo kuwo caalamka ah.
Soomaalida, kuwa gudaha Soomaliya ku nool iyo kuwa dibadaha ku noolba, dareen murugo leh ayay kaga jawaab celiyeen tallaabadaan uu ku dhaqaaqay bankiga Sunrise Community Bank, iyagoo ku doodaya in shirkadaha lacagaha xawila ay muhiim u yihiin nolosha malaayiin Soomaali ah oo ku tiirsan lacagaha loo soo diro.
“ka dib markii aan la dhibaatoonnay dagaal iyo abaaro, in la jaro marinka nololeed ee keliya u haray Soomaalida waa mid xukun dil uga dhigan dadka Soomaaliyeed,” sidaa waxaa wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN u sheegay Cilmi Geeddi, madaxa xawaaladda Qaran (oo ah mid ka mid ah xawaaladaha ugu weyn uguna caansan dalka Soomaaliya), ” haddii xiritaanka xawaaladaha ay hirgasho keliya dhibaato uma aha qoysaskii ku tiirsanaa lacagaha dibadda looga soo diro, xitaa waxay saameyneysaa barakacayaasha abaaraha iyo macluusha ay ragaadiyeen ee taageero ka heli jiray Soomaalida dibadda ku nool.” ayuu Cilmi hadalkiisa sii raaciyay.
Laura Hammond, oo bare sare ka ah iskuul taariikhaha Afrika lagu barto oo ku yaalla magaalada London, ayaa sheegtay in dhibaatada ay tahay mid khatar ah marka loo eego Minneapolis (oo ah magaalada ugu weyn ee ku taalla gobolka Minnesota isla markaana hoy u ah qiyaastii 60,000-80,000 oo soomaali ah) balse khatar kuma ahan ayay tiri lacagaha kale ee laga soo dirayo Mareykanka intiisa kale.
Si kastaba, Hammond ayaa sheegtay in haddii bankiyada kale ee Mareykanka ay tallaabadan raacaan ayna xiraan xawaaladaha Soomaalida ay markaasi xaaladda noqon doonto mid khatarteeda leh.
“Dibadda waa marinka nololeed ee ugu weyn ee ay leeyihiin dadka ku sugan goobaha ay macluusha saameysay ee Soomaaliya , taageerada dibadda ka imaaneysana waxay in badan ka wanaagsantahay gargaarka ay bixiyaan hay`adaha gargaarka, sababtoo ah waxay awoodaan inay dhaqaalo helaan si ay ugu kaabaan baahiyahooda,” ayay Laura hadalkeeda ku dartay.
“Mid ka mid ah waxyaabaha ugu daran ayaa ah in goobaha ay macluusha saameysay ay yihiin goobaha ay dagaalladu sidoo kale saameeyeen, marka in qarash la helo waa muhiim. ayay tiri Laura.
Dhaqaalaha dalka Soomaaliya ee ay dagaalladu halakeeyeen waxaa la oran karaa in nolosha malaayiin Soomaali ah ay ku tiirsan tahay lacagaha dibadda laga soo diro.
Qiyaastii 1.3-2 bilyan oo doollar ayaa sanadkii Soomaaliya looga diraa daafaha caalamka, Laura ayaa sidaa sheegtay.
Saameynta xiritaanka xawaaladaha Soomaaliyeed waxaa laga dareemi doonaa gudaha Soomaaliya, halkaasoo QM ay ku qiyaastay in afar milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar – saddex milyan oo dadkaasi ka mid ah waxay ku sugan yihiin koofurta dalka, 250,000 ka mid ah oo ku nool goobaha ay macluushu saameysay ayaa Khatar ugu jira xaalad macluul.
Madiino Jimcaale Faarax, oo 65-jir ah ahna ayeeyo deggan magaalada Muqdisho , ayaa IRIN u sheegtay in iyada iyo 13 qoyskeeda ka tirsan ay ku nolaayeen 200 doollar oo bishii si joogto ah uu ugu soo diro mid ka mid ah carruurteeda.
“Ma heysanno dakhli kale, marka laga reebo biilka ay bil walba gabadheyda inoo soo dirto, waxaan ku noolnahay lacagtaas haddii la joojiyana wax kale ma heysanno, waxaan ku qasbanaan doonnaa inaan xeryaha barakacayaasha galno amaba tuugsanno” ayay tiri ayeeyo Madiino.
Waxay hooyadaan sheegtay in gabadheeda ay uga digtay in bisha soo socota aysan awoodin inay lacag soo dirto.
Cabdisalaam Cabdinuur, oo 55 jir ah, waa aabbaha shan carruur ah, wuxuu ku tiirsan yahay $200 oo wiilkiisa oo 21-jir ah uu uga soo diro magaalada Minneapolis isna wuxuu yiri “haddii lacagtaas la jarto, ma heysanno wax kale oo aan ku noolaanno.”
Cabdinuur ayaa wakaaladda IRIN u sheegay in joojinta lacagaha la soo xawilo ay u horseedeyso inta badan Soomaalida inay ku tiirsanaadaan cuntada gargaarka. “Markii hore ayaanba ku daalnay cuntada gargaarka ee aadka u soo daahda, maxaa haddana dhib kale naloogu darayaa? Waa xaasidnimo weyn. Malaha waxay doonayaan inaan dhammaanteen tuugsanno.” ayuu hadalkiisa ku daray aabbahan Soomaaliyeed.
Warbixin uu soo saaray 27 Desember, urur ay ku midoobeen Soomaalida ku nool Mareykanka ee ka shaqeeya lacag xawilidda (SAMSA) ayuu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay go`aanka Sunrise Community Bank ee lagu xirayo xawaaladaha, sidoo kalana in qiyaastii cel celis ahaan sanadkii in ka badan $100 milyan Soomaaliya looga xawilo Mareykanka, iyadoo loo marsiinayo SAMSA .
Shaqaalaha gargaarka oo walaacsan
23 Desember, hay`adda Oxfam ee Mareykanka iyo guddiga qaxootiga ee mareykanka (ARC) ayaa soo saaray warbixin ay ku dhaliilayaan tallaabada bankiga Sunrise.
“Tani waa waqtigii ugu xumaa ee la joojin lahaa adeeggan. Carqalad walboo la geliyo lacagaha la xawilo waxay ka sii dareysaa xaaladda macluusha ah ee ka jirta Soomaaliya ,” sidaa waxaa tiri Shannon Scribner, oo ah madaxa arrimaha bani`aadannimada Oxfam ee mareykanka.
Ken Menkhaus, oo ah khabiir arrimaha Soomaliya ah, isla markaana barafasoor ka ah Davidson College, oo ku yaalla Woqooyiga Carolina, ayaa laga soo xigtay inuu yiri: “macluushii 2011 ee Soomaaliya way ka sii dari doontaa, haddii la joojiyo lacagaha ay dibadda uga soo diraan dadka soomaalida ah qoysaskooda, iyo sidoo kale hay`adaha gargaarka ee gudaha kuwaasoo xawaaladaha la soo marsiiyo.”
SAMSA wuxuu sidoo kale sheegay in xawaaladaha lacagaha dira ay yihiin kuwa ugu badan ee suurta geliyo in la helo lacagaha gargaarka iyo horumarinta ee Soomaaliya. “lacagaha loo dirayo Soomaalida baahan waxaa sii dheer in dowladda Soomaaliya, NGO-yada caalamiga ah, QM iyo hay`adda horumarinta caalamiga ah ee mareykanka USAID ay istcimaalaan xawaaladaha si ay howlahooda uga fuliyaan gudaha Soomaaliya.” ayaa warbixinta ururka lagu sheegay.
Waxaa qortay wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN.