QASAARE KA DHASHAY SHIL-GAARI OO KA DHACAY TUULADA FARLIBAAX EE GOBOLKA HIIRAAN

0
56

Labo ruux ayaa ku nafwaayey Lix kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus oo jajab ah, kadib, markii baabuur Nooca UD Nissan Diesel-ka ah ee lixda tan qaada oo ay saarnaayeen rakaab iyo shixnado culus oo badeecooyin ah kana tegay degmada Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan kuna socday degmada Qalaafe oo ka tirsan deegaan ismaamulka soomalida ee dalka Itoobiya uu kula rogmaday rakaabkii saarnaa meel u dhaw Tuulada Farlibaax oo 40km dhanaca waqooyi galbeed ka jirta
magaalada Beledweyne.

Dadaalo iyo gurmad looga sameeyay dadkaas gaarigu la qalibmay deegaanka Farlibaax iyo magaalada Beledweynaba, waxaa dadkii ku waxyeeloobay shilkan lasoo gaarsiiyey cusbitaalka dadweynaha ee magaalada Beledweyne, halkaas oo looga daweeynayo dhaawacyadii soo gaaray,

Muxumed Cali Sabti oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaarigaas Qalibmay oo isagu ka nabddaaday shilka sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa idaacadda Ergo ugu sheegay gudaha magaalada Beledweyne sida ay ku ambabaxeen shilkuna uu ku dhacay, wuxuuna yiri

“ Gaariga waxa uu doonayay in uu ka gudbo waadiga, markii uu waadigii galay oo dalcaddii fuulay ayuu damay matoorkiisi ,dabadeedna gaarigii gadaal buu u soo noqday wuuna nala rogmaday, dadkaas goobta ku dhintay waxa ay ahayeen labo dumar ah oo mid ay ahayd ilmo yar”

Muxumed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay kamid ahaayeen eheladiisa ” Runta markaan u hadlo odayaal iyo dhalinyaro kasoo gurmaday dhanka tuulada Farlibaax ayaa nagu soo hormaray, oo noo gurmaday, loorarkii dadku ku habsadeen naga qaad qaaday,oo biyo iyo taakuleeyn na siiyey, kadibna waxaa na soo gaaray gaadiid magaalada na looga soo diray”.

Qasaare isugu jira dhimashada iyo dhaawacyada ayay la kulmaan dadka safarada ku gala gudaha Gobolka Hiiraan iyo gobolada dariska la ahba, tannoo ah mid la arko saddexdii biloodba mar ama labo jeer.

Sadddex bilood ka hor ayay ahayd markii baabuur nooca UD Nissan Diesel lix tan qaadka ah oo ka ambabaxay magaalada Beledweyne kuna socday degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool uu sidan oo kale  kula rogmaday rakaabkii saarnaa nawaaxiga tuulada Farlibaax ee gobolka hiiraan, kaas oo dhaawacyo culus kusoo gaareen saddex ruux oo rakaabka ka mid ahaa, kuwaas iyagana xilligaas muddo bil ku dhaw lagu dabiibayey cisbitaalka magaalada Beledweyne.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here