MAAMULKA BAYDHABO OO KA DIGAY HALISTA QASHINKA WADDOOYINKA LA DHIGO

0
98

Qodobo uu soo saaray maamulka magaalada Baydhabo ayaa baaq loogu jeediyay dadka ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada, iyadoo maamulka uu codsaday in dhammaan bulshada gobolka ay u istaagaan ka shaqeynta nadaafadda maaddaama ay jiraan cudurro ka dhasha goobaha wasakheysan.

Maxamed Ibraahim Cali, oo ah sarkaal ka tirsan maamulka hoose ee degmada ayaa warbaahinta u aqriyay qodobada ka soo baxay xafiiska degmada isagoo xusay in haddii aan laga shaqeynin nadaafadda ay sii kordhayaan cudurro ay duumada ay ka mid tahay.

Wuxuu baaq u diray dhammaan dadka ku nool xaafadaha magaalada, isagoo si gaar ah u xusay goobaha la doonayo in ololaha nadaafadeed  laga sameeyo.

Xaalado caafimaad darro oo qaarkood la xiriira horumar la`aanta nadaafadda ayaa kamid ahaa xanuunno dad fara badan ay la jiifaan, kuwaasi oo tan iyo horraantii bishan ku sii kordhayay xaafadaha iyo qaarkamid ah deegaannada hoostaga magaalada Baydhabo.

Cudurka duumada ayaa ka mid ah xanuunka sida weyn haatan uga jira gobolka, waxaana dadka ugu badan ee la xanuunsanaya cudurka ay yihiin haween iyo carruur aan heysan gar gaar caafimaad oo dhammeystiran.

Maxamed Ibrahim oo ka mid ah maamulka, ayaa digniin u jeediyay ganacsatada gaar ahaan shaqaalaha goobaha laga cunteeyo kuwaasi oo lagu eedeeyo in biyo wasakheysan ay ku shubaan hareeraha waddooyinka.

Baaqa iyo digniinta nadaafadda la xiriirta ee ka imaanaya maamulka, ayaa ku soo beegmaya xilli cisbitaalka gobolka ay jiifaan bukaanno la xanunsanaya cudurka duumada kuwaasi oo uu asiibay xanuunka markii isbeddel uu ku yimid midabka biyaha ku jira goobaha biyo fariisinka ah ee u dhow xaafadaha waxaana halkaasi saraakiisha caafimaadku ay sheegeen in ay ka dillaacaan cudurro shubanka iyo duumadu ay ka midyihiin.

Si kastaba maamulka ,ayaa ku hawlan dayactirka qaar kamid ah buundooyinka magaalada iyo dib u dhiska goobaha bur bursan ee ay fariistaan biyaha, waxaanna tallaabadaasi soo dhoweeyay dadka ku dhaqan xaafadaha.

Cabdicasiis Koronto/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here