Dhibaatada dhinaca ammaanka ee ka taagan gobolka waqoyi bari Kenya ayaa saamayn ku yeelatay howlihii lagu gargaarayey nus malyuun qaxooti u badan Soomaali, oo ku jira xeryaha ku yaal deegaanka Dhadhaab.
Laba qarax oo is xigay oo ka dhacay xeryaha Xagardheer iyo Ifo, ayaa sababay in ciidanka ammaanku ay billaabaan howl gallo guri guri ay ugu baarayaan xerada Ifo, taasoo saamayn ku yeelatay gebi ahaanba nolosha iyo dhaqdhaqaaqii dadka.
Weriyayaal ku kala sugan xerada Xagardheer iyo Ifo, oo Raadiyo Ergo u warramay ayaa sheegay in xaaladda dadka qaxootigu ku sugan yihiin waqtigaan ay tahay mid aad u halis badan, waxaa la joojiyey raashinkii, biyihii iyo dhammaan adeegyadii kale, maanta dadka qaxootiga ku jiraa waxay biyiha u doonanayaan goobo waro ah oo ka durugsan xeryaha, iyagoo sheegay in 20-kii litir ee biyaha aha amaanta ka joogaan Xagardheer 50 shillin oo lacagta Kenya ah, sidoo kale waxaa socday maalmahaan baaritaanno laga wado xeryaha gaar ahaan xerada Ifo, oo lagu qabqabtay dad laga shakiyey iyadoo meelaha qaarna la sheegayo in meherado la jabsaday., hantidana loo geystay boob.
Haddaba dhibaatooyinkaan ay sheeganayaan dadka qaaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab iyo wararka sheegaya in hay’addihii gargaarku ka baxeen waxaan waraysi kala yeelannay Alex Donato oo ka tirsan saraakiisha UNHCR haddana ku sugan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxaana waydiinnay marka hore saamaynta ay ku yeesheen qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab howlaha gargaarka lagu gaarsiinayo dadka qaxootiga ah:
Q.1. UNHCR waxay ka walaacsantahay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee nabadgelyada darada ka abuuray xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, taasoo horseedday in dad iyo hantiba lagu waayo, waxay si dhab ah u saamaysay awooddeennii iyo dadaalladii dadka u baahan kaalmooyinka lagu gaarsiinayo, xeryahaan UNHCR waxa ay ka waddaa howlo lagu gargaarayo in ka badan 460,000 oo qof, laakin xitaa iyadoo UNHCR ay cambaaraynayso weerarradaas, waxaanu ku baaqaynaa in nabadda la dhowro iyo xaaladda xeryaha qaxootiga , gaarsiinta kaalmooyinka deg degga ah iyo adeegyada nolol badbaadinta ah waxay u soconayaan si caadi ah.
S: Waxaanu maqalnay warar sheegaya in qaar ka mid ah hay`addii gargaarku isaga baxeen halkaas, iyagoo ka cabsi qaba xaaladda nabadgelyo xumo ee ka sii daraysa, maxaad taasi nooga sheegi kartaa?
Q.2. Inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca nabadgelyada ah , ma jirto hay`ad ka baxday Dhadhaab, kama warqabno sheegashadaas, waxaanu shirar la lahayn dhammaan la howlgalayaasha bini`aadannimo, waxaanuna ka shaqaynaynaa sidaanu u sii wadi lahayn inaanu qaxootiga gaarsiinno biyo, caafiamad, cunto, daryeel iyo dhammaan adeegyada nolol badbaadinta ah.
S: Ma jirtaa halis ah in haddii amaan daradu ay sii socoto, ay saamayn ku yeelan doonto xitaa adeegyada nolol badbaadinta ah ee aad sheegayso?
Q.3. Haa, xaaladaha nabadgelyo xumo, waxay saamaynaysaa awooddeennii iyo dadaalladii aanu ku sii wadi lahayn adeegyada nolol badbaadinta , UNHCRna si qoto dheer ayey uga walaacsantahay xaaladda iyo nabadgelyada qaxootiga Dhdhaab, kuwaasoo u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah sidaa darteed, iyadoo loo danaynayo qaxootiga iyo hay`adaha gargaarka ee halkaan u jooga inay dadka caawiyaan, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo nabadgelyada iyo nidaamka aasaasiga ah ee xeryaha.
S: Waxaad ii sheegtay in diiwaangelinta dadka qaxootiga ah ee soo galaya xeryaha uu hakad ku yimid, maxaad nooga sheegi kartaa arrintan?
Q. 4. Xaaladda nabadgelyo darro, waxay saamaynaysaa awooddii UNHCR iyo dadaallada lagu caawinayo dadka cusub ee soo galaya xeryaha, laakiin waxaanu kala shaqaynaynay waaxda dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha qaxootiga sidii loo caawin lahaa dadka cusub ee soo galaya xeryaha.
S: Yaa marka qaabilaya dadka soo galaya ee raadinaya in la caawiyo?
Waxaanu ognahay in xiligan ay qaxooti badan ka soo qaxayaan Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay ka socdaan howlgallada ciidamada Kenya iyo Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo?
Q.5. Inkastoo xaaladaha ammaan darro ay saamaynayaan awooddeenna iyo dadaallada lagu caawinayo dadka soo galaya, UNHCR waxay wali kala shaqaynaysaa waaxda dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha qaxootiga sidii loo caawin lahaa, oo loo sii wadi lahaa in dadka qaxootiga ah la gaarsiiyo daryeel iyo adeegyada nolol badbaadinta ah.
MH/MG/FM