DAD RAYID AH OO KU DHINTAY WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY HOOSUNGOW

0
97

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Hoosungoow oo 160 Km u jira magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dad lagu qiyaasay illaa dhawr iyo toban qof ay dhinteen, tira intaasi ka badanna ay dhaawacmeen ka dib markii weerar xagga cirka ah ay shalay  diyaarado ka gaysteen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradaha oo la tuhunsanyahay inay yihiin kuwa Kenya ay leedahay, ay garaaceen xaafado ay deggan yihiin dad rayid ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in adeegyada caafimaad ee deegaanka ka jira oo aad u yar, aysan la tacaali karin dadka dhaawaca ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka shacabka ah ay xalay billaabeen in ay ka qaxaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba weerar kale.

Kenya oo ka mid ah howlgalka nabad ilaalinta ee midowga Afrika iyo saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, midkoodna kama hadlin sheegashadaas.

Weerar dabayaaqadii October ay diyaarado ay Kenya leedahay ka gaysteen xero ay ku taalla degmada Jilib oo ay ku jireen dad ku soo barakacay abaarihii gobollada, ayaa waxaa ku dhintay dhowr iyo toban qof, kontomeeya kalena waay ku dhaawacmeen inkastoo ay dowladda Kenya ka bixisay raalligelin.

Maxamed Gaarane/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here