Maamulka Ahlu-sunnah waljamacah ee gobollada dhexe ayaa si rasmi ah uga mamnuucay, in kooxaha burcad badeedda ah ay ka howlgalaan deegaannada ay ka arrimiyaan.
Arrintaan oo ka dambeysay ka dib markii uu maamulku ku eedeyay kooxahaan inay doonayaan inay afduub ka geystaan deegannada ay ka taliyaan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli muddooyinkan dambe ay burcaddu la soo galeen deegaanno ka mid ah gobollada dhexe dad ay ka soo qafaasheen xeebaha kuwaasi oo isugu jira shaqaalaha maraakiib laga leeyahay dunida.
Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu-sunnah Waljamacah gobollada dhexe Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, mar uu Ergo la hadlayay wuxuu sheegay in burcaddu ay qorshaynayaan in falal ammaan darro ah oo isugu jira afduub ka geystaan gobollada dhexe.
“Burcad badeeddu awalna dhaqan ahaan ma fiicneyn haddana waxay noqdeen cadowga gobolkaan amniga ka jira sidaas daraaddeed waxaaan bulshada u shegeynaa in deegaanka laga mamnuucay ayna khandaraas ku soo qateen inay deegaanka qalqal ka abuuraan oo ay dad ajaanib ah ka afduubtaan, ammaan darri kalana ay ku sameeyaan waxaana ku war gelinayaa dadka ammaanku khuseeyo ee k atirsan maamulka inay dadkaas gacanta ku qabtaan oo ay keenaen sharciga hortiisa iyagana waxaan ushegeynaa in ay isaga baxaan deegaanka muddo 24saac ah gudaheed ah.” ayuu guddoomiyhu yiri.
“Cid aan la ogeyn oo ka tirsan burcad badeedda ma soo gali karaan, ciddii deegaanka imaanaysa oo ka tirsan dadkaas waa in aytahay cid ka soo laabatay falkaan foosha xun oo magaca xun wata , ciidanka booliiska ee Ahlu-sunnah ayaa amarkaas qaba hadafka Ahl-sunnah wuxuu yahay in dadka waxii dhibaya ay ka qabtaan deegaanka aan joogno amnigiisa xil gaar ahna ay naga saaran tahay ciddii deegaanka qalqal dhinaca ammaanka ku soo kordhinaysa in aan u digno, haddii ay diidana aanu ka qabanno.”
Kooxahaan burcad badeedda waxaay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug, dadka deegaannada gobolladaas ku nool ayaa inta badan ka cawda sicir kac dhanka cuntada kaasi oo saameeyay dadka danyarta ah ee ku nool deegaannadaasi, sida uu Raadiyo Ergo ugu warramay Maxamed Sheekh Nuur oo ka mid ah dadka ku nool degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.
Tallaabadan ayaa noqonaysaa tii ugu horreysay ee maamulka ay uga mamnucaan kooxahaan burcad badeedda deegannad ay ka arrimiyaan.
Cabdijamaal Macallin Axmed/ MG/FM