BANDHIG LAGU HORUMARINAYO DHAQANKA IYO AF SOOMAALIGA OO XAAFADDA EASTLEIGH LAGU QABTAY

0
130

Bandhig faneed lagu soo bandhigayay suugaanta Soomaaliyeed oo abaal marinno lagu guddoonsiinayay tartamayaal ku tartamay suugaanta, ayna soo qabanqaabiyeen dhalinyarada horumarinta dhaqanka iyo afka ayaa axaddii la soo dhaafay lagu qabtay hoolka Eastleigh mall ee magaalada tan Nairobi.

Bandhiggan waxaa ka qeyb qaatay Raadiyaha Ergo, ururka haweenka ee Wiqaaya women group, ururka ganacsatada xaafadda Eastleigh iyo safaaradda Soomaaliya,  waxaana ka soo qeyb galay hal abuurro ku caan baxay ururinta taariikhaha iyo suugaanta Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa: Axmed Faarax Cali Idaajaa, oo run ahaantii waqtigiisa u huray sidii jiilka cusub uu u gaarsiin lahaa dhaxalkii ay ka tageen abwaannaadii iyo halabuurradii Soomaaliyeed loogana haray marka ay timaaddo taariikhda fanka Soomaaliyeed, guddoomiyaha xarunta maskaxda Khaliif Ashkir Diini Xoosh, tifaftiraha Raadiyaha Ergo Cabdulqaadir Maxamed Mursal, abwaan Axmed Sheekh Cali Heellaale, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya mudane Cali Ameeriko, samafalaha u gargaara dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan Cabdi Muuse Maaxaay, suugaan-yahanka  Soomaaliyeed Cali-Dhoof Jaamac Cawaale, xoghayaha guud ee ururka ganacstada Eastliegh  Maxamed Maxamuud Guutaale, hormuudka jaamacadda Thika Dr Cawil Caydiid iyo marti sharaf kale.

Badhiggan ayaa waxaa abaal marinno lagu guddoonsiinayay saddex dhalinyaro ah,  hal gabar iyo laba wiil oo kala galay kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad kuwaasoo gabayo iyo geeraarro ka tiriyay arrimaha Soomaaliya iyo dhibaatooyinkii ka dhashay burburkii dalka.

Guddoomiyaha dhalinyarada is abaabushay ee horumarinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, Cabdirisaaq Cirro oo ugu horreyn bandhigga ka hadlay ayaa faahfaahinaya abaal marinnada la siinayo tartamayaashaas.

“waxaan go`aansannay in dadka tartamayaasha ah aan siinno shahaadooyin, kuwa kalaimaha fiican galay inaan si gaar ah u xusno, balse aan gebigood ka sinno shahaadooyin iyo qaddar lacageed.” ayuu yiri guddoomiyaha.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya mudane Cali Ameeriko, oo dadkii bandhigga lagu casuumay ka mid ahaa ayaa ka warbixiyay booqashadii uu dhowaan ku tegay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab isagoo ay qiiro ka muuqato:

“Waxaan marka hore u mahad celinayaa dhalinyarada soo abaabushay tartankaan maanta oo aan aaminsanahay inuusan noqon doonin kii ugu horreeyay, oo aan ka shaqeyn doonno sidii uu u sii socon lahaa, waxaan jeclahay inaan idiin sheego malain dhoweyd waxaan tegay xeryaha qaxootiga Dhadhaab gaar ahaan xerada Ifo2, halkaasi oo aan raashiin ka qeybineynay marka waxaan rabaa inaan idinla wadaago, dadku aad bey u dhibaateysan yihiin kuwii bilihii ugu dambeeyay xeryaha soo galay, sababo la xiriira ammaan darradii xeryaha ku soo korortay dhammaan dhaqaatiirtii iyo hay`adihii gargaarka waa laga soo kaxeeyay oo Nairobi ayaa la keeenay, wallaahi wixii aan meesha ku soo arkay ma ahan kuwo aan illaabi karo!…………’

Danjiraha hadalkiisa waxaa hakiyay illin indhihiisa soo dhaaftay isagoo gocanaya waxyaabihii murugada ahaa ee uu xeryaha qaxootiga uu ku soo arkay,

Danjiruhu waxaa hadalkiisa hakiyay sida aad dareemi kartaan, illin indhihiisa soo buuxisay iyo gocasho uu gocanayay dadkii ay duruufaha adag ka muuqdeen ee uu xeryaha ku soo arkay. intaa ka dib waxaa madasha ka hadlay xoghayaha guud ee ganacsatada xaafadda Islii Maxamed Maxamuud Guutaale oo ballan qaaday in taageerada ay u hayaan horumarinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan oo keliya aysan intaasi ku ekeyn.

Fardowsa Xasan oo ka tirsan ururka Wiqaaya women group ayaa iyadana faahfaahin ka bixisay waxay diintu ka qabto suugaanta

Hormuudka jaamacadda Thika Dr. Cawil Caydiid, ayaa isagana wuxuu sharraxaad ka bixiyay ahmiyadda ay bulsho walba uleedahay suugaanta, iyo sida ay muhiim ugu tahay.

Abwaan Axmed Sh. Cali Heellaale ayaa isagana madasha ka tiriyay gabay uu ugu magacdaray baroordiiq kaasoo ku saabsanaa burburka dalkeenna ku dhacay, iyadoo dadkii madasha fadhiyayna ay qaarkood oohin la dhaceen khiiro daraaddeed.

Tartankan ayaa waxaa kaalimaha 1aad,2aad iyo 3aad kala gala galay Xalwo Bulxan Cali,Bashiir Cabdi Yuusuf iyo Guuleed Cabdi Xukun.

Xalwo Bulxan Cali oo ah gabadha gashay kaalinta 1aad ee tartankaas ayaa iyadu goobta ka tirisay maanso ka hadleysa saameyntii iyo dhaqan roggii laga dhaxlay burburkii Soomaaliya tartanka uga qeyb gashay,  ayaa ugu duceysay Soomaaliya inuu ilaahay u soo celiyo sharaftoodii iyo wanaaggoodii, uuna ka dul qaado colaadaha iyo abaaraha.

Tartamihii kaalinta labaad galay ayaa wuxuu ahaa Bashiir Cabdi Yuusuf, oo isna gabay arrimaha Soomaaliya ka tiriyay.

Tartamihii galay kaalinta 3 aad galay Guuleed Cabdi Xukun oo ah wiil dhalinyaro ah, ayaa madasha ka tiriyay geeraarkii uu kaalinta koowaad ku galay kaasoo dadku ay ku wada qanceen una qireen inuu u qalmo kaalinta koowaad. Guuleed ayaa gabaygiisa ku soo xiray duco uu dalka ugu duceynayo inuu sidiisii hore ee nabadda ku soo laabto.

Suugaanta Soomaaliyeed kama marna jacburka, oo isagu abwaankii weynaa ee Cabdullaahi Dhoodaan suugaanta soomaaliyeed uu ku soo biiriyay toddobaatameeyadii, jacburkaasoo loo arkay inuu yahay murti dhaxal reebi karta. Maxamuu Axmed Caynab ayaa madasha ka tiriyay gabay jacbur ah misna uu farriin ugu dirayo guddiga tartanka qiimeynayay isla markaana uu ku leeyahay yaa aniga ila tartami kara Caynab iyo bootadiisa aan iskaga kiin dhex baxo.

Cali Maaweel waa milkiilaha supermarketka Masha allah isna isagoo meelaha iska wargeeyaya ayuu mel dheer ka soo maqlay gabayada iyo geerarrada la is dhaafsanayo, Cali Maaweel laftigiisu waa nin suugaanta wax ka curiyay jecelna horumarinta fanka iyo dhaqanka Soomaalida, isna wuxuu madasha kaga tuurtay gabay ku saabsan caloolyoyga uu badan burburka dalkeenna.

Cali-Dhoof oo ka tirsanaa guddiga tartamayaasha qiimeynayay, ayaa madasha ka sheegay in inta ay culimadu dadka ku waanineyso inay diinta ku sugnaadaan, ay sidoo kale bahda suugaantu dadweynaha ku hanuunineyso dhaqanka iyo diinteenna suubban inay heystaan.

Axmed Faarax Idaajaa oo aqoon badan uleh fanka iyo dhaqanka Soomaalida, waqtigiisana u hura inuu bulshada uga faa`iideeyo taariikhihii halabuurradii Soomaaliyeed iyo micanaha suugaantii ay reebeen ayaa isagana madasha ka hadlay kuna dheeraaday mugweynida suugaanta Soomaaliyeed isagoo tusaalooyin badanna soo qaatay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha xarunta maskaxda Khaliif Ashkir Diini, ayaa madasha ka hadlay wuxuuna abbaaray dhanka fahanka laga qabo suugaanta.

Bandhiggan lagu soo bandhigayay suugaanta Soomaalida ayaa wuxuu ahaa mid so heer sare ah loo soo agaasimahay dadweynihii ka soo qeyb galayna ay wax badan ka faa`iideen. Waxaana lagu soo gabagabeeyay Tartamayaashii ku tartamay suugaanta Soomaalida oo la guddoonsiiyay shahaado iyo abaal marinno ay qaddar lacageed ka mid ahayd.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here