DAD CUDURKA DUUMADA KULA XANUUNSANAYA GOBOLKA BAY

0
47

Maamulka cisbitaalka dhexe ee gobolka Bay ayaa sheegay inay sii kordhayaan dadka la xanuunsanaya cudurro ay ka mid yihiin duumada iyo shubanka, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn looga dareemay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee gobolka ka tirsan.

Ku dhowaad 10 qof oo isugu jira carruur, haween iyo dad waayeel ah oo ay soo riteen duumada iyo cudurka Shuban biyoodka, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay la soo gaarsiiyay cisbitaalka sida uu raadiyaha Ergo u sheegay agaasimaha cisbitaalka gobolka Dr. Cabadalle Guure.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in xanuunka duumada uu ku sii faafayo deegaannada gobolka, iyadoo aannu jirin adeegyo caafimaad oo si ballaaran loo gaarsiin karo dadka u nugul cudurrada xilli qoysaska ay ka soo kabanayaan saameyntii ay ku yeesheen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Ku dhowaad 30 bukaan oo la xanuunsanaya cudurro ay ka mid yihiin duumada, shubanka, nafaqo darro iyo kuwo qaba dhaawacyo fudfudud ayaa ku jira cisbitaalka oo hawlwadeennada cisbitaalka ay ku dadaalayaan sidii loo daweyn lahaa.

Cudurka duumada,  ayaa si weyn looga dareemay xaafadaha magaalada wixii ka dambeeyay markii deegaannda gobolka ay ka curteen roobab mahiigaan ah oo buuxiyay balliyada iyo waraha laga dhaansado biyaha, waxaana inta badan goobahaasi ka dhasha cudurka duumada maaddaama kaneecadu ay ku badantahay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowaan mamnuucday hay`ado samafalka ka shaqeeya,  waxaana qeyb ka ahaa hay`adda Copi oo gacanta ku heysay cisbitaalka goblka oo dabooli jiray  baahida Bukaanno ka kala imaanayay qaar kamid ah gobollada koonfur galbeed Soomaaliya.

Marka laga soo tago cisbitaalka waxaa jira bukaanno kale, oo la gaarsiiyo xarumo gargaar caafimaad u fidiya dadka taagta daran  oo ka imaanaya tuulooyinka.

Carruur laga dareemayo nafaqo darro ayaa u badan bukaannada la gaarsiiyo xarumahaasi, sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay Qaasim Maxamed Cali oo ka mid ah hawlwadeennada goob lagu daweeyo carruurta oo ku taalla xaafadda Berdaale.

Wuxuu Qaasim sheegay in maalin kasta xaruntooda ay qaabisho ku dhowaad 10 qof oo u badan carruur da`dooda ay ka hooseyso 5jir isla markaasina ay daweeyeen bukaanno gaaraya 80, tan iyo horraantii bishan.

Saameynta ay  yeesheen  qaar ka mid ah cudurrada faafa ayaa si weyn looga dareemay deegaannada gobolka, wixii ka dambeeyay markii dadka ay ku diirsadeen roobab ka curtay gobollada Bay iyo Bakool.

Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here