Home Wararkii u Danbeeyay ARDAY OLOLE NADAAFADEED KA BILAABAY LAASCAANOOD

ARDAY OLOLE NADAAFADEED KA BILAABAY LAASCAANOOD

0
37

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa in muddo ah dhibaato ku hayay qashin ceegaaga bartamaha iyo xaaafada magaaladaas, taasi oo ay dhaqaatiirtu ka qabeen walwal xoogan oo ku aadan sida wax looga qaban karo.

Boqolaal kamid ah ardayda dugsiyada hoose, kuwa sare iyo  jaamcada nugaal ayaa isku xilsaaray sidii ay wax uga qaban lahaayeen qashinka faraha dhibaatada ku haya magaalada. Iyagoo gudaha magaaladaas ka qaaday dhawr tan oo qashin ah.

Tallaabadaasi arday ay qaadeen ayaa waxaa soo dhaweeyay waxgaradka, odayaasha iyo dadweynaha magaaladaas, iyagoo sheegay in xanuuno badan ay muddooyin laga cabanayay ay wax ka tari karto howshaan nadaafadeed.

Qashinkana ayaa ahaa  mid yiilay meel kasata oo aad magalada marto mana jiraan goob si rasmiya loogu calaamdiyay dhigitaanka qashinka si looga qaado xaafadaha.

Waaliidiin ku sugan degmadaas oo soo dhaweeyay tallaabadaas ayaa sheegay in carruurtooda oo ku ciyaara qashinka ay la kulmeen  xanuunno kaga dhacay indhaha, gacmaha iyo haraga.

Cabdikariin Olol/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here