GANACSATADA DABKII BOOSAASO KU HANTI BEELAY OO DHIBAATO AY LA SOO DARISTAY

0
42

Tan iyo markii uu dabka xooggan ka kacay suuqa Boosaaso oo ahaa suuq halbowle u ah ganacsiga kala duwan ee soomaaliya iyo waliba Kilinka shanaad ee Itoopiya, ayaa waxaa dhibaato shaqo la`aaneed ay soo wajahday qaar ka mid ah dadkii ku ganacsan jiray suuqa.

Suuqa gubtay oo cabirkiisu uu gaarayo qiyaastii 3 KM oo isku wareeg ah  iyo 1 KM oo dherer ah, ayaa waxaa ku ganacsan jiray dad danyar ah oo u badan haween, kuwaasi oo ay noloshoodu ku xirnayd suuqaasi.

Khadra Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatadaas oo ay weriyeheenna magaalada Boosaaso la kulantay, ayaa Raadiyo Ergo uga warrantay Khasaaraha uu dabka soo gaarsiiyay.

“ Haa wixii aan haystay waxay ku gubteen baqaarkii aan dhigay, anigu waxaan ahaa qof nolol maalmeedkeeda raadsato, dhibaato adag ayaa na haysa waayo waxaan suuqa ka biilan jiray 5 carruur ah.” ayay tiri Khadra.

Xuseen Guudoow Xaaji, oo isna ka mid ah ganacsatada suuqaasi ku hanti beeshay ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in ay hanti badan kaga gubatay suuqaasi

“ Walaal kabar ayaan ku lahaa suuqa, kabarkiina waa iga gubtay, haddana wax aan isla hayo ma jiraan laakiinse wixii Ilahay na siiyo ayaan sugeynaa.”

Aasiyo Maxamed Maxamuud  oo ka mid ah haweenka dhibaatada adag ay soo wajahday ayaa tiri “ Walaal dhowr iyo toban sano ayaan suuqa ka shaqaynayay, waxaana iiga gubtay hanti aan la xisaabi Karin oo aad u fara badan, carruurteenna iyo innaggana dhibaato adag ayaa na haysa waayo carruurta waxay naga sugayaan waxbarasho iyo waxay cunaan, waxaan ka codsanaynaa ciddii na gacan qaban karta inay na caawiso.”

Si kastaba waxaa howlahoodii qiimeynta ahaa wali ku guda jira guddi uu dhowaan maamulka Puntland u magacaabay inay soo qiimeeyaan baaxadda dhibaatada uu dabku reebay.

Aamino Ladan Axmed/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here