Toddobaadkii la soo dhaafay roobabkii da`ayey hoos ayey u dhaceen qaybo badan oo ka mid ah waddanka, marka laga reebo gobollada koonfureed oo iyaga ay ka da`ayeen roobab dhex dhexaad ah.
Saadaasha roobabka toddobaadka soo socda ee inta u dhaxaysa 13-ka illaa 19-ka Disembar, waxay tilmaamaysaa inay sii yaraanayaan roobabka la filayo inay da`aan.
Heerarka biyaha webiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa hoos u sii dhacayey toddobaadkii tegey, sidoo kale heerkoodu wuxuu ahaanayaa mid caadi ah toddobaadka soo socda taasoo ay ugu wacan tahay roobab badan oo aan da`ayn waqtiga saadaasha ee toddobaadka soo socda, sidaa darteed ma jirto wax khatar fatahaad ah oo ka imaan karta dacallada webiyada Jubba iyo Shabeelle.
Saadaashaan waxaa idin soo gudbiyey hay`adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobey – FAO mashruuceeda SWALIM
Nairobi.