XAALADO CAAFIMAAD DARRO OO KA TAAGAN DEGMADA CEELWAAQ.

0
41

Waxaa laga dayrinayaa xaaladaha caafimaad iyo tan nololeed ee ay ku sugan yihiin boqollaal qoys oo ku nool magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ka dib markii roobabka xilliga dayrta oo wali da`aya ay biyo badan ku soo rogeen xaafado badan oo ku yaalla magaaladaasi.

Arrintaas ayaa keentay in qoysas fara badan ay isaga cararaan guryahoodii oo ay beegsadaan meelaha taagga ah ama ka sarreeya dhulka, halkaasoo ay ka yegleesheen guryo ay ka samaysteen cooshado ka kooban ulo jilicsan, baakado iyo maryo ama jawaanno dhammaaday oo leysku xir xiray si ay uga dhigtaan hoy.

Dadkaasi dhibaateysan oo aan wali helin wax gar gaar ah, ayaan in badan laga wada war hayn xaaladdooda, waqtigaan dib uma noqon karaan sababo la xiriira guryahoodii oo ay wali biyuhu dhex ceegaagaan iyo roobabka oo kasii da`aya halkaas. Aadan Cabdi Khayre, oo ka mid ah howl-wadeennada caafimaadka Ceelwaaq ayaa raadiyaha Ergo u sheegay ina aaney dhibaatadu sahlaneen, cid wax la taaban karo ka qaban karta oo hadda Ceelwaaq joogtana aysan muuqan, sidaas darteedna ay xaaladuhu sii adkeynayaan roobabka da`aya oo biyo dhigaya xaafado hor leh, kuwii horena sii murjiyay arrinkooda.

Aadan, wuxuu sheegay in sababta ay degmada Ceelwaaq u noqotay meel biyo degeen ah ay tahay, iyadoo ay magaaladu inteeda badan ku jirto meel hoose oo god ah, taasoo keentay in inta badan ay noqoto biyo degeen, xitaa haddii aaney roobab xooggan di`in, hadda oo ay roobabka da`aya yihiin kuwo xooggan joogtana ah wey u sii nuglaanayaan buu yiri Khayre shacabka dhibaatada soo gaareysa.

“Dadku kala bar waa barakceen, guryaha qaarbaa biyhuhu mitir iyo bar kor uga soo dhaafeen aasaaskooda oo laga baxay, bannaanka magaalada ayay dadkani daadsan yihiin, illaa iyo iminkana ma jirto hay`ad isu howshay oo wax u qabatay ama ugu yaraan xitaa in la sameeyo dariiq biyaha looga saaro magaalada, inkastoo maamulka degmada ay beri hore isku dayeen nidaam kanaallo biyaha qaada looga dhex sameynayo degmada, kaasoo 5% guuleystay, laakiin haddana biyihii waxaa dib ugu soo celiyay magaalada roobabkii dambe ee da`ay.”

Aadan Cabdi, intaas wuxuu raaciyay in dhibaatada caafimaad ee ay xaaladahani keeneen ay ku sii kordhayaan degmada Ceelwaaq, isagoo sheegay in cudurrada la xiriira shubanka, kuwa ku dhaca neef-mareenka iyo duumada ay ku soo kordhayaan bulshada halkaas iyo nawaaxigeeda ku nool, wuxuuna caddeeyay in markii ay isku darmeen  biyihii roobabka ka dhashay ee magaalada Ceelwaaq soo galay musqulihii iyo ceelashii la cabayay, taasina ay keentay halis caafimaad oo aaney dadka halkaas wali helin cid si firfircoon uga taageerta.

“Cudurka shuban biyoodka, ayaa hadda ka dillaacay meesha, cudurka duumaduna dadka inuu soo rito ayuu billaabay markii roobka culus ee da`ay uu biyo badan dhigay magaalada, kaasoo isku daray musqulihii iyo ceelashii, dhaqaatiirta caafimaadka, hay`adaha Kosovi iyo Bisha cas, ayaa dadaal badan ugu jira in la xakameeyo xanuunnadaas, Marka waad ogtahay qatarta caafimaad ee ka dhalan karta haddii ay isku darmeen musqulihii iyo biyihii la cabayay.” ayuu Aadan hadalkiisa sii raaciyay.

Mashruuca saadaasha hawada ee SWALIM, ayaa sheegay in roobabka ka da`aya gobolka Gedo iyo agagaarka webiga Jubba ay yihiin kuwoo sii jiraya illaa dhammaadka bishan Diseembar, waxayna ka digtay khatarro daadad ku yimaada gobolka Gedo.

Xafiiska iskudubaridka arrimaha bani’aadannimo Qaramada midoobey u qaabilsan OCHA ayaa sheegay inay hoos u soo dhacday tiradda dadka macaluushu ku haysey koonfurta Soomaaliya kadib dadaalkii la sameeyey, warbixintii ugu danbaysay ee OCHA halkaan ka akhriso (Riix)

Inta badan marka ay da`aan roobabka, ayaa waxaa yimaada in biyo si xoog ah u socda ay soo galaan magaalooyinka qaar, markaas oo ay ku baabi`iyaan guryo iyo goobo ganacsi, mararka qaar meelahaasi waxay noqdaan balliyo biyuhu ku soo hooraan oo aysan ka gurin in muddo ah, taasina waxay ku keentaa dadka ay dhibtaas la soo deristo xaalado adag oo dhinaca nolosha iyo caafimaadka ah, inta badanna ma helaan cid ka caawisa musiibada gaarta, waxaana xaaladda Ceelwaaq hadda ka jirta la rumeysan yahay inay ka jirto ama ay ka dhacday magaalooyin kale oo ku yaalla gobolka, intii ay deyrtani da`eysay.

Nuur Cali Faarax/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here