07 December, 2011 NAIROBI
Saadaasha tobaadkii tegey xaalado qoyan ayaa ka jirey dooxada Jubba iyo dhulka ku xeeran ee koonfurta Soomaaliya, waxaana ka jirtey fatahaad gaar ahaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, daadadkaas oo keenay inay biyo buuxiyaan dhul beereedyo iyo inay xaaqmaan dalagyo beernaa, wadanka intiisa kale wuxuu ahaa mid qalalan todobaadkii tegey.
Heerka biyaha webiga Shabeelle ayaa iyagu hoos u dhacay todobaadkii tegey, halka heerka biyaha webiga Juba yihiin kuwo kor u kacaya iyadoo ay ugu wacan tahay roobabka xoogan ee ka da’ya dhulka sare ee Itoobiya iyo marinada webiga Jubba ee guddaha Soomaaliya, roobabkaas oo da’ay 1dii ilaa 2dii Diiseembar.
Saadaasha cimilada todobaadka soo socda ee 6da ilaa 12ka Diiseembar waxay tilmaamaysaa in guud ahaan roobabku hoos u dhacayaan badi wadanka gaar ahaan qaybta danbe ee todobaadkan. Waxaa kaloo saadaashu tilmaamaysaa in dhul xeebeedka ku teedsan koonfurta wadanka laga filayo roobab dhex dhexaad ah todobaadka soo socda.
Dhinaca hoose ee webiga Jubba khatarta fatahaadu waa mid dhex dhexaad ah todobaadka soo socda, mana jirto wax khatar fatahaad ah oo ka imaanaysa dhinaca webiga Shabelle mudada saadaasha ee todobaadka aynu ku guda jirno.
Saadaashaan waxaa idin soo gudbiyey hay’adda cunta iyo beeraha Qaramad Midoobey – FOA mashruuceeda SWALIM
Nairobi.