Tababarkani lagu soo gabagabeeyey magaalada Boosaaso oo soconayey muddo saddex casho ah, ayaa waxaa loo qabtay 20 suxufi oo ka kala socday 10 idaacadood oo ka howlgala gobollada Dalka Soomaaliya, wuxuuna ku saabsanaa tababarkan barashada tabinta wararka bini`aadannimada iyo xallinta khilaafaadka, waxaana soo qaban qaabiyey raadiyaha Ergo ee wararka arrimaha bani`aadannimada Soomaalia.
Casharradii lagu baranayey tababarkan, ayaa waxaa bixinayay macallimiin ka kala timid dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaa sidoo kale casharro ku saabsan arrimaha bani`aadannimada ka bixiyey khubarro ka kala socday ha`yadaha QM, sida UNICEF iyo UNOCHA.
Munaasabadda xiritaanka tababarkan wariyayaasha ka kala socday gobollada Puntland, Bartamaha, iyo Koonfurta Soomaaliya ee lagu barayey tabinta wararka bani`aadannimada iyo xallinta khilaafaadka, ayaa waxaa ka hadley mas`uuliyiin ka socotey Dawladda Puntland, maamulka Ergo macallimiinta bixineysay tababarka iyo marti sharaf kale.
Waxaa ugu horreyn ka hadley xiritaanka tababarkan loo qabtey wariyayaasha Cabdulqaadir Maxamed Mursal, oo ah tifaftiraha guud ee Raadiyaha Ergo waxaana uu yiri: “waxay inoo tahay farxad aad u weyn in aan soo gabagabeyno tababarkan muddada 3-da cisha inoo socdey, tababarkan waxaa soo qabanqaabiyey raadiyaha Ergo, waxaana fulintiisa gacan naga siisay hay`adda CORD oo aan ku qabannay xarunteeda iyo maamulka Puntland waan uga mahad celinayaa, maxaa yeeley haddii aysan iyaga ahayn nooma qabsoomi laheyn tababarkan, sidoo kale waxaan umahadcelinayaa Wariyayaashii sida wanaagsan uga faa`iideystay casharrada lagu bixinayey tababarkan inta uu socdey.”
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo is gaarsiinta Dawladda Puntland Maxamuud Fuumbe, oo isna ka hadlay gabagabadii tababarkan ayaa sheegay in Wariyayaashu uu ahmiyad weyn u lahaa tababarkan, taasoo ay ugu horreyso is dhex-gal iyo isbarashada wariyaasha ka kala yimid gobollada kala duwan ee Soomaaliya.
“Siminaarrada noocaan oo kale ah, ee la isaga yimaado gobollo fog fog waxaa lagu kala helaa macluumaad farabadan, ka sokow cilmiga laga faa`ideysanayo, sababtoo ah ninka ka yimid Dhuusamareeb, Xamar ama Gaalkacyo iyo ninka Boosaso jooga wey isbaranayaan waayo aragnimada ayey ka mid tahay, waxaan umaleynayaa intiinna halkan isugu timid hawada in aad iska maqasheen mooyee waligeen inaadan is arag, waxaan rajeynayaa in aad bulshadiinna uga faa`iideyn doontaan wixii la idin barey.”
Cabdullaahi Maxamed Xasan (Black) oo ka mid ahaa macallimiintii wax ka bixineysay tababarkan, ayaa kula dardaarmey suxufiyiinta in aysan dayicin waxyaabihii lagu barey tababarka oo ay ka mid ahaayeen wararka bini`aadannimada iyo xallinta khilaafaadka.
“Waxaan rajeynayaa duruustii aanu qaadanney, in aan dabaqno oo aan is weydiinno war maalin kasta waan is dilnaaye maxaa inoo xal ah? oo ay wariyayaashu noqdaan nabad-doonno ka qeyb qaata xallinta khilaafaadka, waa in aan maqalnaa idaacad hebel waxay ku guuleysatey xallinta mashaqo taagneyd oo sababi laheyd dhimasho iyo dhaawac laba reer ama labo qof ama qoomiyado tan aan dooneyno waa taas.”
Tababarkan loo soo xirey wariyayayaasha ka kala yimid gobollada dalka qaarkood, ayaa inta uu socdey waxay sameeyeen doodo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo qaabka ay warbaahintu uga qeyb qaadan karto nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.
Is ku soo wada duuboo wariyayaashii loo soo gabagabeeyey tababarkan, ayaa codsadey in la joogteeyo tababarrada noocan oo kale ah ee loo qabanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, mana ahan markii ugu horreysay oo uu raadiyaha Ergo u qabto tababarro Wariyaasha Soomaaliyeed. bishii October ee sanadkan 2011-ka ayey ahayd markii tababar ku saabsan tabinta wararka bini`aadannimada uu ugu qabtey magaalada Hargeysa 30 suxufi oo ka kala yimid gobollada dalka.
Axmed Soomaali/MG/FM