Ku dhowaad 60-qoys oo ka mid ahaa barakacayaal ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay gobollada Bay iyo Bakool, ayaa dib ugu soo laabtay degmada Waajid kuwaasi oo markii hore u barakacay degmada Doolow iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo.
Soo laabashada qoysaskan ayaa imaanaysa xilli deegaannada ku teedsan gobollada ay ka curteen roobab ay ku diirsadeen dadka deegaanka, waxaana xubno ka tirsan qoysaska ay shegeen in ay qorsheynayaan ka faa`ideysiga roobabka iyo tacbashada beerahooda.
Haween iyo carruur ay ka muuqato saameyntii ay ku yeesheen abaaraha ku dhuftay koonfurta oo horseeday geerida kumannaan dad ah, ayaa ka mid ah barakacayaasha dib ugu soo laabtay degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Sida ay sheegeen qoysaskani waxaa jira dhibaatooyin soo wajahay noloshood,a muddadii ay ku jireen kaam ku yaalla degmada Dolow halkaasi oo ay ku sugan yihiin barakacayaal ay taakuleeyaan hay`adaha samafalka.
Maamulka degmada Waajid ayaa dhinacooda faafaahin ka bixiyay qoysaska soo gaaray iyo tallaabooyinkii ay qaadeen, waxaana guddoomiyaha degmada Waajid uu sheegay inay diyaariyeen qorshayaal lagu taakuleynayo barakacayaasha oo uu xusay in dhibaatooyin ay kala soo kulmeen goobihii ay ka yimaadeen.
Waa markii ugu horreysay qoysas ay saameeyeen abaaraha isla mrkaasina u barakacay deegaanno kale ay dib ugu soo laabtaan gobolka, iyadoo aanu jirin maamullo ku qasbay inay ku laabtaan goobihii ay ka yimaadeen, waxaana intabadan qoysaskani ay rajo kamuujiyeen tacbashada beerahooda iyo sida ay ugu hamuun qabaan ka faa`ideysiga roobabka da’aya.
Dad fara badan oo ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, ayaa hadda u baahan in lagu taageero wax soosaarka beerahooda si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii galaaftay noloshooda, hasee yeeshee waxaa aad u liita wacyi gelinta ka dhex jirta bulshada iyo iyadoo aanu jirin hay’ado ka taageera qalabka iyo dalagga la beerto.
Xaaladahan waxay keeni karaan inay adkaato in lagu guuleysto waxsoosaarkii la filiyay, xilli sanadeedkan maaddaama beeralleydu ay yihiin kuwo u baahan inay helaan qalab ay u kaalmeystaan shaqada iyo tilmaamo la xiriira sida lagu gaari karo wax soosaar tayo leh
Cabdicasiis Koronto/MG/FM