Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa laga billaabay mashruuc loogu talagalay taakulaynta carruurta naafada ah ee ku dhaqan degmada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda. .
Mashruucan xarigga laga jaray waxaa maalgeliyey sanduuqa badbaadada carruurta Qaramada midoobay ee UNICEF halka ay fulinta lahayd hay’ad la yiraahdo Danan.
Caawimaaddan waxaa ka faa`iidaysanaya carruur tiradoodu dhan tahay 250 wiilal iyo gabdho isugu jira, wuxuuna soconayaa muddo 7 bilood ah.
Arrinatani waa tallaabo si wayn ay u soo dhoweeyeen dadka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, kuna tilmaameen mid waxtar wayn u leh bulshada danyarta ah iyo kuwa haysta carruurta naafada ah .
Carruurta naafada ah ayaa isugu jira kuwa ku dhashay naafanimo iyo kuwa xanuunno sababeen, taasoo ay keentay inay ka curyaan ka noqdaan dhinaca jirka ama dhinaca maskaxda, carruurta noocaasa ayaa sanadahan dambe ku soo badanayey gobolka Sanaag .
Hore uma jirin xarumo lagu xannaaneeyo carruurta oo iyaga gaar u ah, marka laga reebo MCH-KA magaalada ceerigaabo oo isaguna aan ahayn mid wax weyn ka tari kara baahiyaha taagan ee dhinaca carruurta ku saabsan.
Yaasiin Cali Ciise/FM