Qoyska dhalay Carruur walaalo ah oo dhibaato caafimaad ku haysato degaanka Xarfo ee gobolka Mudug oo codsanaya kaalmo bani’aadannimo

0
75

Waxaa soo badanaya dhibaatooyinka xaga caafimaadaro ee heysta qoysaska Soomaaliyeed ka dib burburkii dawladii dhexe, waxaa kaloo intaas u siidheer qoysaska qaarkood dhibaato xaga helitaanka quutul daruuriga ah oo ayba suurowdo in ay mararka qaar aysan maalin dhan waxba helin.

Gobolka Mudug iyo degmooyinka hoosyimaada ayaa dadka ku nool qaar kood waxaa heysata dhibaato nolol xumo iyo mid caafimaad.

Degaanka Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug oo weriyaheena gobolkaas Xasan Burtinle tagay ayuu wuxuu halkaas kula kulmay qoys ka mid ha qoysaska ku nool tuulada Xarfo, qoyskaan waxaa heysata dhibaatooyin badan oo ay ugu daran tahay xaga caafimaadka.

Qoyskaan ayaa wax u ka kooban yahay 7 carruur ah iyo walabadii waalid, ma aha qoys shaqeeya, mana u helaan si joogta ah nolol maalmeedkooda, laba ka mid ah carruurta ay dhaleen ayaa waxaa heysta dhibaato caafimaad xumo, carruurtaani ma aha kuwa istaagi kara oo waliba mid kamid ah ma fariisan karo, ma hadli karaan oo ma sheegan karaan wax kastoo dhibaato haysta, ama ay ubaaahan yihiin, intaa waxaa sii dheer wax dareena ma leh, haddana wax ay cunayaan wax kasta oo ay arkaan sida ciida, dhagxaanta iwm.

Hooyo Fartuun Axmed Xirsi oo ah hooyada dhashay ayaa nooga waramaysa dhibaatada heysata carruurtaan iyo waliba wuxuu yahay xanuunka haya carruurtaan.

Fartuun waxay sheegtay inay aad uga dhibaateysan yihiin xanuunka carruurtooda, tabarna aysan u heynin in ay dhakhtar geeyaan, waxaa kaloo ay sheegtay Fartuun in ay qabaan dhibaato kale tasoo ah in aysan awoodin in ay si joogta ah u helaan quutul daruuriga, aabaha dhalayna ee masúulka ka ah qoyskana waa baaga muudo.

Ugu dambeyntiina waxay codsanayaan qoyskaan dhibaateysan in ay ubaahan yihiin gargaarka Alle iyo cid kasta oo wax tari karta nolosha iyo xanuunka haysta carruurtooda.
Xasan Burtinle/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here