Dad badan oo Ethiopian ah ayaa ah kuwo aan cago ku taagneyn oo dhaqaaqaya, keliya ma aha in dad badan oo miyiga dalkaasi ku nool ay doonayaan inay magaalooyin ku noolaadaan, balse tirada dadka Itoobiyaanka ah ee dalkooda ka tagaya ayaa sanadihii ugu dambeeyay aad u soo badanayay.
Kuwo badan ayaa isku dayaya inay gaaraan dalka Saudi Arabia, iyagoo marin ka sii dhiganaya Yemen, halka kumannaan kun oo kalana ay u socdaalaan waddamada South Africa, Israel iyo qaaradda Europe, iyagoo goynaya dhulal saxaro ah iyo bado, naftoodana gelinaya gacmaha mukhalasiinta kuwaasoo keliya eegta danahooda.
Badanaa tahriibka Itoobiya ma diiwaan gashana, sidaa darteed ayaan loo ogaan Karin tirada saxda ah ee dadka ka tahriiba dalkaasi, balse hay`adda arrimaha qxaootiga u qaabilsan QM UNHCR ayaa ku warrantay sanadkii 2010-kii in keliya dalka Yemen ku dhowaad 35,000 oo ahaa muhaajiriinta cusub ee soo gashay ay ahaayeen Ethiopian, marka la xisaabo saddex meel ka meel dhammaan muhaajiriintii cusbeyd sanadkaasi, intii u dhaxeysay bishii January illaa October 2011, 52,000 oo Ethiopian ah ayaa hore u sii qorsheystay wadadii ay ku tegi lahaayeen Yemen.
Qaxootiga ka imnaya Somalia ayaa sidoo kale raaca marinnadaasoo kale, xitaa waxay adeegsadaan isla mukhalasiinta ay itoobiyaanka adeegsadaan, balse sababta ay safarradaasi qatarta ah u galayaan waa mid si aad ah u cad: Somalia in ka badan 20 sano ayay xaalad qasan oo dagaal ah ku jirtay haatanna waxaa ku dhuftay abaaro lixaad leh.
Ethiopia ma soo marin dagaallo sokeeye, xitaa inkastoo qeybo ka mid ah dalka ay abaaro ku dhufteen, waa mid ka mid ah waddamada caalamka ee ugu helitaanka badan gargaarka horumarinta. Si kastaba, xitaa waa mid ka mid ah waddamada ugu bulshada badan qaaradda Afrika – qiyaastii 75 million – oo ay ku sii kobceyso shaqaaleyn la,aanta dhalinyarada iyo yaraanta fursado shaqo.
“Sababta ugu weyn ee dadka ay uga haajirayaan Itoobiya ayna u haajirayaan Yemen waa baahi jirta – waxay aadaan [Saudi Arabia] si ay lacag u kasbadaan,” sidaa waxaa yiri Daa`uud Cilmi, oo 28 jir ah, oo ka tegay xaafadda Lafaisa oo ku taalla bariga Ethiopia si uu shaqo uga helo dalka Sacuudiga sanadkii 2006.
Taa baddalkeeda, wuxuu hal sano ku liqay gudaha xero qaxooti oo ku taalla dalka Djibouti, saddex bil oo kalana wuxuu ku jiray xero kale oo ku taalla Yemen, isagoo ka baqaya in la xiro ayuu sheegtay inuu yahay qaxooti ka yimid dalka Somalia. Ka dib markii uu ku guul darreystay inuu helo lacag ku filan oo geyn karta dalka Saudi Arabia, ugu dmabeyn dalkiisa ayuu dib ugu soo laabtay.
Cilmi wuxuu ku waaniyay kuwa kale ee ku nool xaafadiisa ee qorsheynaya inay u haajiraan Yemen amaba sacuudiga inaysan u bareerin qatarta, balse weli tiro dad ah ayaa haajira. “qof walba wuxuu u baxaa inuu noloshiisa horumariyo,” ayuu yiri Daa`uud. “waxaan halkan ka kasbanno waa un wax la cuno waxba ma keydsan karno, haddii aad haajirto lacag ayaad qaraabadaada u soo direysaa, guri ayaad dhisan kartaa. ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Tagel Solomon, oo ah xiriiriyaha barnaamijyada tahriibka kana tirsan ururka muhaajiriinta caalamiga ah ee (IOM), ayaa xaqiijiyay in Itoobiyaanka ay caadiyanba u haajiraan raadinta fursado dhaqaale.
Badankood waa niman dhalinyaro ah sida Khadar Mowliid Maxamuud, oo 23, oo ah bare dhiga maaddada English-ka iyo xirfadaha kumbiyuutarka. Wuxuu ka soo tegay xaafadda Lafaisa sanadkii 2008, “wuxuu nolol wanaagsan u doontay qaaradda yurub, balse nasiib ayuu lahaa markii uu marin ka sii dhigtay Somaliland, jamhuuriyadda iskeed goonni isu taagtay oo ku taalla gacanka Aden, iyoYemen. Wuxuu soo dhex maray biyaha badda meel u dhow xadka Saudi Arabia, waxaa soo martay inuu kaadidiisa cabo, waa la dhacay lagana qaatay wixii uu watay.
JIJIGA, Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, oo 30 jir ah, wuxuu ku soo laabtay xaafaddiisa Lafaisa, oo ku taalla magaalada Jijiga ee bariga Ethiopia, lix bilood ka hor, ka dib markii damaciisii ahaa inuu galo waddamada yurub uu dhicisoobay.
Wuxuu galay dalka Sacuudiga wuuxuna magaalada caasimadda ah ee Riyadh ka helay shaqo fuundinimo ah, intii lagu guda jiray 18 bilood oo uu halkaasi joogay ee uu ku guuleystay inuu xoogaa lacag ah keydsado ayuu six un ugu dhaawacmay shil gaari, keydkiisii lacagta ahaa waxaa xaabsaday cisbitaalkiisii lagu dhayay dhaawiciisa, intaa ka dib wuxuu go’aansaday inuu deegaankiisa dib ugu soo laabto. Wuxuu isku dhiibay ciidamada ka dibna waxaana la soo tarxiilay bishii October 2010.
Inta badan dadka Ethiopian-ka ah ee ka taga dalkooda waxaa loo aqoonsadaa inay yihiin muhaajiriin dhaqaalo doon ah mana helaan daryeelka iyo gargaarka ah helaan qaxootiga , balse daraasad sanadkan laga soo saaray tahriibka geeska afrika ee Yemen uuna sameeyay Danish Refugee Council, guddiga qaxootiga ee dalka Denmark, waxaa lagu sheegay in muhaajiriintaas dhaqaalo doonka ah ay la soo kulmeen dhibaatooyin badan.
Wareysiyo lala yeeshay muhaajiriin cusub oo tegay dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan inay takoor iyo dhibaatooyin kala kulmeen saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya iyagoo lala xiriirinayo kooxaha mucaaradka ah ee ka jira dalkaasi sida kooxda xoreynta qowmiyadda Oromo ee (OLF), iyo kooxda qaranka ee xoreynta qowmiyadda Ogaden (ONLF) iyo sida axsaab siyaasdaeed oo mucaarad ah sida xisbita Oromo People’s Congress.
Horraantii sanadkan, Human Rights Watch (HRW) ayaa ku warrantay in ciidamada Itoobiya ay xarig u geysteen dad ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, kuwaasoo lala xiriiriyay inay xubno ka yihiin kooxda la mamnuucay ee OLF. Danish Refugee Council wuxuu ku warramay sidoo kale in 47 boqolkiiba muhaajiriinta cuusb ee itoobiyaanka ah ee yimid Yemen sanadkii 2010 ay ka soo jeedeen qowmiyadda Oromada.
“Xitaa ma aha inaad taageerto kooxda OLF – nooc walboo xiriir ah oo kaala dhaxeeya xitaa qof xiriir la leh kooxdaas ayaad ku muteysan kartaa xarig, taasna waa waxa ugu badan ee walaaca keeni kara,” sidaa waxaa tiri Laetitia Bader, oo ah baare ka tirsan HRW.
Muhaajiriinta cusub ee Itoobiyaanka ah ee tegay dalka Yemen oo la wareystay ayaa sidoo kale xaqiijiyay xogtii ay HRW heshay sanadki 2010-kii taasoo ahayd in qowmiyadda Oromada aysan wax badan ka helin gargaarka caalamiga ah ee loo soo marsiiyo barnaamijyada taageeridda ee ay wadaan waddamada deeqaha bixiya , shaqooyinka iyo fursadaha waxbarashada intaba.
“Dadka Oromada ah waxaa mar walba lala xiriiriyaa kooxda OLF ,” sidaa waxaa tiri haweeney 24-jir ah oo ay soo xigatay HRW . “haddii aan nahay Oromo ma helno shaqo iyo waxbarasho. Dowladda Itoobiya maba noo oggola inaan horumar sameyno.” Ayay haweeneydaasi hadalkeeda sii raacisay.
Solomon oo ka tirsan IOM, ayaa sheegay in kooxaha mukhalasiinta ay iyagu sii dhiraandhiriyeen tahriibka ka socda Ethiopia. “mukhalasiinta waxay yimaadaan xaafadaha waxayna dadka u sheegaan inay wadamada bariga dhexe ka heli doonaan shaqooyin wanaagsan,” waxaa jira qaar ka mid ah mukhalasiintaasi oo la xiray tanoo qeyb ka ah dadaalka ay dowladda Itoobiya ugu jirto ugaarsashada kooxdaan. ayuu Solomon hadalkiisa sii raaciyay.
Sheekooyinka guul darrada amaba guusha ay gaareen muhaajiriinta ayaa ah kuwo xitaa ka dheereeya xodxodashada mukhalasiinta. Gudaha xaafadda Lafaisa, hal nin ayaa tegay jaziiradda Malta wuxuuna lacag bil walba u soo diri jiray qoyskiisa, balse waxaa caan ka ah xaafaddaasi sheekooyinka guul darrada sida tan ku dhacday Abdirizak Mohamed Mohamoud, oo galay dalka Italy balse bilooyin badan ku qaatay jeelal ku yaalla dalka Libya , 18 bilood kalana isku dayay inuu kasbado lacag ku filan oo uu dalkiisa dib ugu soo laaban karo.
Damacyada tahriibka ee dhicisooba waxay keeni kartaa burbur dhaqaale, sida nin lahaa guri oo inta iska xaraashay lacagtiina faraqa ugu shubay mukhalasiinta . Maxamuud wuxuu sheegay inuusan dib dambe isugu dayeynin inuu haajiro uuna dadka kale uga digayo inay galaan qatartii uu soo maray.. “waxaan tusaale u ahay xaafaddeyda,” haddii aan guuleysan lahaa dhammaan dadka kale way bixi lahaayeen. ayuu yiri Maxamuud.
Keliya sheekooyinka guul darrada ah kuma filna xakameynta tahriibka ka socda Itoobiya, khibradda uu qof ka soo helay halis safarkiisa uga timidna kama celin karto qof goostay inuu dalkiisa ka haajiro.
Ururka muhaajiriinta caalamiga ah ee IOM ayaa mashcruuc ka wadda deegaannada qowmiyadda Oromada ee gobolka Amhara ee dalka Ethiopia si loo yareeyo tahriibka, keliyana maaha in laga wacyi geliyo qatarta uu tahriibka leeyahay ee sidoo kale in laga taageero dhaqaalaha iyo tababar xirfado ah la siiyo dhalinyarada.
Warbixintan waxaa qortay wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN.
FM