Dadka Lo’da ku dhaqda Baladweyne oo nafis-dhaqaale dareemay

0
165

Hiiraan:- Ku dhawaad afartameeyo soof oo lo’ ah isuguna jira irmaan iyo guran oo dadkii lahaa ay guryaha ku masruufi jireen muddo ku dhaw saddex sano, ayaa maalmahan aroor kasta xarkaha laga soo furaa si ay u daaqdoonato, kadib markii ay roobeysteen deegaannada Ku xeeran magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Lo’dan oo laga soo kala soofsho xaafadaha kala durugsan ee magaalada Beledweyne, ayaa dadka dhaqda ee guryaha ay ugu xirantahay qof waliba aroor kasta sacaha uu leeyahay uu keenaa goobo ay cayimteen intii markaa isku soof ah, goobahaas oo ku yaal duleedka xaafad kasta, halkaas oo Qofkii ama Raacigii soo daajin lahaa loogu dhiibo.

Dadka lo’dan dhaqda oo sheegan jiray culays dhaqaale oo ka saarnaa dhinaca masruufidda lo’dooda da’mada roobka hortii, ayaa maalmahan muujiyey nafis dhaqaale iyo culeeys ka degay.

Barre Maxamuud oo kamid dadkaas lo’leeyda ah ayaa sheegay “Lo’daan saddex sano abaar awgeed ma foofin, intii saddex sano ah lama foofin jirin xariggaa lagu biili jiray wixii ay keensato caanaheeda biilaa loogu dari jiray al-xamdullilaah shukri rabbilcaalamiin!, hadda waxaan helnay roob waa barwaaqoowday, haddaan intii saddex maalmood ah lo’da waa la siideeyey waa barwaaqoowday, cunno ayay soo heshaa.”

Waa halkee Meelaha roobeeystey ee lo’dan loo soofsho, iyo qaddarka aminta ay u sii soofto ? waa kan Barre oo mar kale ka hadlaya arrintaasi“ waa magaalada daafaheeda aan dheereyn, hal saac ayay soconeysaa ama nus saac hadba magaaladu sidii ay ugu kala dheeryihiin afarta xaafadood , waxaan kuu tilmaami karaa ee Hello-buullo oo bari ah, Hiiraan oo waqooyi ah, Bari oo Jento xaggeeda ah. Qorax-sin waxay u aaddaa Gembarlaawe xagiisa, ee Burfiiq xagiisa, ee Raasumaal meel la yiraa xaggiisa sdddexdaasna Qorraxsin ayay ka aaddaa, Magaalada daafaheeda oo idil qof walba meeshii ugu dhaweyd ayuu daaqaas lo’da u deystaa, Al-xamddullilaah,!! Xareedda ayay soo cabtaa, daaq ayay soo cuntaa iyadoo aan wax loo dhigo lahayn ayay soo hoyataa.”

Barre wuxuu mar kale tilmaamayaa waxa iska baddalay noloshoodii hore,“ Noloshii hore ee qoyska waxaa nooga baddalmay biilkii iyo caanaheedii aan suuqa geyn jirnay dadka isticmaala, wax lo’da lasiiyo malaha, hadba ninkii xoolaha u irmaan yihiin biilkiisa waa mustakafi, wax buu ka heystaa A-xamddullilaahi shukri!! Caanihii la gadi jiray qoyskaa u isticmaalaya.”

Lo’dan muddada dheer ee abaartu jirtay ku xirneyd guryaha magaalada qaarkood oo maalmahan xarkaha looga soo furay inay soo daaqsato, ayaa dadka iska leh ee soofsaday ay sheegayaan in ay u soo daaqsan doonto muddo dhan illaa iyo soddomeeyo casho, taas oo ay muujinayaan kana filayaan inay u soo doogsan doonto uguna cayili doonto lo’dooda neefafkii abaartu jilcisay, islamarkaana ay kaga nasan doonaan qarashaadkii lacageed ee maalinlaha ahaa ee ay gelin jireen maalin walba.

Cabdullaahi Salaad/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here