Carruur gaaraysa illaa soddon carruur ah kuwaasoo isugu jira carruurta qoysaska barakacayaasha, carruurta jidadka, iyo carruur kale oo horey ugu shaqaysan jiray xirfadda caseeyanimada ayaa la guddoonsiiyay sanaadiiq ay ku jiraan qalabka lagu caseeyo ama lagu nadiifiyo kabaha,qalabkaasoo ay guddoonsiiyeen hay,adaha kala ah SOYDEN iyo hay,adda YEA
Barnaamijkan ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashaday SOYDEN oo ah hay’adda isku xirka iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo hay’adda ACRL oo ah golaha hoggaaminta diimaha Afrika, waxaana fulisay hay’adda shaqo abuuridda dhalinyarada ee YEA oo mataan la ah SOYDEN.,waxaana lagu soo beegay munaasibaddan carruurta caseeyaasha lagu guddonsiinayay agabyadaasi maalinta Raja galintaiyo duceynta caruurta adduunka ee 20ka Nofembar qalabkaasoo ay hay,aduhu ugu tala galeen in carruurtu ay ku shaqaystaan si ay uga soo saartaan nolol maalmeedka qoysaskooda danyarta ah.
Munaasabadda lagu guddoonsiinayay carruurta caseeyayaasha ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: Maxamuud Cali Alassow (Jaani-dheere) oo ah farshaxamiiste Soomaaliyeed iyo xubnaha hay’adaha SOYDEN iyo YEA.
“Carruurta aan soo xulannay waxay ahaayeen 30, qaarkood waxaan ka keennay kaamamka ay ku jiraan barakacayaasha, qaarkood waxay ahaayeen carruurta waddooyinka ka qaraabta iyo kuwo kale oo horay ugu shaqeysan jiray caseeyaha” sidaana waxaa tiri tiri Fowsiyo Cabdul-ladiif Axmed oo ah madaxa xog-ururinta YEA, Fowsiyo waxay intaas ku dartay in carruurta yar-yar ee ay guddoonsiiyeen qalabka caseeyaha ay yihiin kuwa ugu liita bulshada ayna go’aansadeen inay shaqooyin u abuuraan si ay u soo saartaan noloshooda.
Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya laga xuso Munaasibaddaan taas oo la aasaasay markii ugu horreysay sannadkii 2008. Iyadoo saddexdii sano ee lasoo dhaafay laga xusay dalal badan oo caalamka ku yaalla, waxaana hal-ku-dhigga sannadkan laga dhigay: (JOOJI TACADDIYADA KA DHANKA AH CARUURTA).
Carruurta loo qaybiyay caseeyayaasha ayaa waxay da’doodu u dhexeysay 10-sano illaa 15-sano, qaarkood waxay ahaayeen kuwo la nool eheladooda kaddib markii waalidiintood ay dhinteen.
“Waxaan la noolahay eedaday, waxaan helaa wax yar oo lacag ah, iyada ayaana ku caawiyaa,” ayuu yiri Cali Cumar Bashiir oo ka mid ahaa carruurtii caseeyayaasha loo qaybiyay, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay caseeyaha la siiyay. Wuxuuna xusay in dhowr maalmood uusan shaqeysan kaddib markii uu ka lumay qalabkii uu wax ku caseynayay.
Sidoo kale, mid ka mid ah carruurta ayaa sheegay inuusan weligii noqon caseeye uuna ku faraxsan yahay in maanta uu billaabo shaqo, isga oo ka mid ahaa carruurta ku nool waddooyinka, iyadoo carruurtu ay ka baxeen halkii qalabka lagu guddoonsiiyay iyagoo faraxsan qaarkoodna ay qaylinayeen.
Warsaxaafadeed ay soo saareen hay’adaha SOYDEN, YEA iyo ACRL ayaa waxay ugu baaqeen qaybaha bulshada, siyaasiyiinta, mucaaradka iyo muxaafadkaba inay u istaagaan taageeridda iyo wax u qabashada caruurta Soomaaliyeed oo u baahan daryeel iyo ka difaacidda tacadiyada loo geysto.
Horraantii sanadkaan ayay ahayd markii munaasibad sidaanoo kale ah ay xarunta shaqa abuurista Dhaqane ay carruur gaaraysa illaa 40 ugu qeybisay qalabka lagu caseeyo kabaha,waxaana dhammaan arrimahaan ay qeyb ka qaadanayaan dhiirri galinta carruurta yar yar ee iyagu dhexda u xirtay in ay dabaraan baahida qoysaskooda oo ah kuwa aad u duruufeysan
Abdisamad Abdulkadir/MG