Tan iyo intii hay’adaha samafalka ay joojiyeen howlihii gargaarka ee ay ka hayeen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa waxay shaqo joojintaasi saameyn ku yeelatay dadka ku nool xeryahaasi.
hay’adda Care qeybteeda Watsan oo qaabilsan biyaha iyo nadaafadda, ayaa ku dadaali jirtay sidii loo nadiifin lahaa waddooyinka xerada Xagardheer ee ay yaallaan qashinka ay dadku soo daadiyaan, balse howshaasi ayaa waxaa saameyn ku yeeshay shaqo joojinta hay’adaha gargaarka ay sameeyeen.
Suuqa weyn ee xerada Xagardheer bartankiisa, ayaad ku arkeysaa qashin tuban isla markaana ay dadku ku dhex ganacsanayaan taasoo suurto gal ay tahay in caafimaad xumo ay ka qaadaan, iyadoo roobab ay ka da’een xeradaasi Xagardheer ayaa goobaha musqulaha la wadaago ay ku yaallaan ay yihiin kuwo nadaafaddooda aysan wanaagsaneyn waxaana laga cabsi qabaa inay ka dhashaan cudurrada faafa.
Haweeney shaah ku iibisa suuqaasi oo hareeraheeda uu yaallo qashin badan, ayaa waxay leedahay ”qashinkan dhib badan ayuu nagu hayaa, wax hagaajinaya malaha. nin baa markii hore qaadi jiray laakiin kooxo ayaa afduubtay ninkaasi, hadda howshaasi way istaagtay.”
QM ayaa dhowaan ku dhawaaqday in cudurka daacuunka ee ka dhasha nadaafad xumada uu ka dillaacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Farxaan Lafoole/FM