Raashinka oo gabaabsi ka noqday magaalooyin badan oo ku yaal xuduudaha soomaaliya, kenya iyo ethiopia

0
62

Raashinka oo gabaabsi ka noqday magaalooyin badan oo ku teedsan xuduudaha ay wadaagaan wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia

Xaalad adag ayaa ka taagan magaalooyinka Luuq, Doolow, Ceelwaaq, Garbahaarey, Beledxaawo iyo deegaanada ku dhaw-dhaw ee ka kala tirsan Kenya iyo Ethiopia, sida Mandheera, Raamuu, Ceelwaaq iyo Doolow Cadoo, kadib markii ay gabaabsi noqdeen beedeecooyinkii uga iman jiray dhanka magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo sidoo kale Nairobi iyo Mambasa.

Arrintani waxay kadambeysay markii ay go’een wadooyinka soo gala magaalooyinka ay dhibtu ka jirto ee ay gawaaridu soo mari jirtay , kuwaasoo roobabkii da’ay ay ka qodeen togag waa weyn oo keenay in lamari kari waayo.

Waxaa aad ugu yaraaday magaalooyinkan raashinka daruuriga ah sida Sokorta, Burka, Bariiska, Baastada, Saliida, Caana booraha iyo kuwa kale oo qaarkood qarka usaaran in la waayo gabigood, sida Sokorta oo kale, kuwaasoo hada lagu iibsado qiimo aad u qaaliya oo xitaa waxaaba bagaashka qaar lagu gataa hada in kabadan laba jibaar intii markii hore la’iibin jiray.
Sidookale waxaa iyana ka go’ay magaalooyin ay ka mid tahay Mandheera oo ku taala Gobolka Waqooyi Barri Kenya iyo Beled Xaawo oo ku taala Gedo-Somalia alaabo fara badan oo aan daruuri ahayn, laakiin aaney bulshadu uga maarmin waxyaabaha qaar ee quseeya adeegyadooda maalinlaha ah.

Maxamed Yuusuf waa ganacsade ku leh magaalada Mandheera tukaan lagu iibiyo waxyaabaha quutul daruuriga ah, waxaanu yiri.

“Baqaaradii lagu yaqaanay raashinka jumladaa inta badab raashinku waa uu ka dhamaanayaa, sida sokorta, burka caanaha, saliida, raashino badan oo magaalada ka sii yaraanaya ayaa jira, hadana rajooyin badan baa laqabaa oo mar-walba hadii wadada wax yar sii qalasho waxaa lafilayaa iney soo galaan gawaaridii raashinka uwaday magaalada”.

Xaaladaasi waxay si darran usaameysay malaayiin dad ku nool gobolada, Gedo, meelo kamida dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo Waqooyi Barri Kenya, kuwaasoo ubadan dad sabool ah oo ay markoodii horaba noloshu ku adkeed.

Dadka qaar waxay joojiyeen iney isticmaalaan qeybo kamid ah raashinkii ay cuni jireen, halka qeybo kale oo mushtamaca katirsana ay yareeyeen isticmaalka raashinkii ku filnaa mudo bila oo ay ka dhigeen ilaa iyo 2 bil ama in kudhaw, waana marxalad dhib badan hadii ay ragaado.

Cabdi Xassan waa aabaha 6 caruur ah oo ay hooyadood wehliso, mana haysto shaqo joogtaa oo waa xoogsade marmar hela wax uun xoogaa maalinkaas dabka lagu shito, isagoo ku sugan magaalada Beled Xaawo ayuu iigawaramay sida ay utaabatay noloshooda raashin yarida soo wajahday deeganadan.

“Anaga horta xamaalataan ahayn oo wixii yaraa ee aan helno ayaa wax noogoyn jiray, hadana wixii yaraabaa wax noo goyn la, marka Illaah baan ucalaacaleeynaa” ayuu yiri Cabdi Xassan.
Marka laga soo tago in roobabka wali ka da’aya meelo badan oo gobolka kamida ay gooyeen marrinadii  lamari lahaa, majirto dhanka kale qaabka kale oo meelahan lagu keeni karo waxyaabaha daruuriga ah, sida diyaarad oo kale. Waa kan Mid Kamida ganacsatada Mandheera.

“Masuurtagaleyso oo diyaaraduhu ma’ogala alaabaha bagaashka oo kale, marka diyaaradihii naftirkoodii wey cabsanayaan, saameeyn weyn ayay nagu yeesheen naftirkoodii, wadadii uunbaan wax kasoo gudbisan jirnay, wadadiina wey xayiran tahay”  ayuu yri ganacsadahaas xili uu aad uga walaacsanaa dhibaatada soo wajahday ganacsigooda.

Qiimahaan raashinka ee sare u kacay ayaa keeni kara inay kororto dadka macaluulaya, iyadoo waaxda ka sii digista cuntadda iyo nafaqadda ee FSNAU (riix) ay warsaxaafeed ay soo saartay ku sheegtay maanta qiyaastii inay hoos u dhacday dadka macaluushani mrka loo eego bishii August ee sanadkaan. inkastoo FSNAU sheegtay in gurmadka macaluushu tahay inuu sii socda ilaa bisha December ee sanadka.

Marka laga soo gudbo wax kasta oo kale, waxay mushtamacaasi maalaayiinta  garaaya ay umarayaan dhibaatada intaas gaarsiisan, inteeda badan waa wado la’aan soo heysatay, mudo aan yareen, iyadoo waxyaabihii quutul daruuriga ahaa ee ay ubaahnaayeen ay hada ku go’doonsan yihiin inta udhaxeeysa gobolda Bay iyo Bakool, dhanka Soomaaliya, dhanka Kenyana  magaalada Wajeer, oo roobab ka da’ay la’ajligood lala soo mari la’yahay mudo  bil ka badan.

Nuur Cali Faarax/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here