Hay’adda Oxfam ayaa ugu baqaday hogamiyahasha calamka inay xoogga saaraan sidii wax looga qaban lahaa macaluusha ka taagan wadanka, waxayna hay’addu ugu baaqday qaybaha ku lugleh dagaaladda inay xaqiijiyaan sidii dadka shicibka ah loo badbaadin lahaa kuwaasoo badhtanka ugu jira hubka la Is waydaarsanayo, ayna dadka Soomaaliyeed u helaan xornimo ay ku socon karaan iyadoo hay’adaani dhinaca kalenna ku dhaliishay beeshay hogaamiyayaasha waamadda calamku inay taageero badan ku bixiyaan hawl galadda milateri ee ka socda Soomaaliya halkii ay dhisi lahayeen hanaanka soo kabasho.
Warbixintaan Oxfam ayaa soo baxday iyadoo maanta lagu dhawaaqay inay hoos u dhacday dadka macaluushu hayso ee Soomaaliya ku nool ayey Oxfam haddana sheegtay in wakhtigaan la gaaray markii dardar gelin lahaa gargaarka bani’aadanimo, intii khatar lagu geli lahaa wax aan weynayn, waana inaysan bulshadda caalamku hal gacan keliya wax gelin iyagoona iska indha tiraya dhinaca kale ee ah dadka Soomaaliyeed ee baahan, kuwaasoo la daalaa dhacaya sidii ay uga badbaadi lahaayen gaajadda ayuu yiri Senait Gebregziabher oo ah agaasiamah Oxfam ee Soomaaliya.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan horay u qaadnay talaabo taasoo ah inay yaraatay dadkii macaluulayey, laakiin cabsidu waxay tahay in laba talaaboo kale isku dhacyadda iyo colaaduhu dib noo celiyaan, waxayna bulshadda calamku dadaalkooda iyo awooddooda gelinayaan dhinaca siyaasadda”
Oxfam ayaa sheegtay n goboladda Jubadda Dhexe iyo Hoose ay saameeyeen colaaddaha hadda muddada bisha ka socda, waxayna ka hakiyeen in gargaar la gaarsiiyo 27000 oo qof, halka 58000 oo kalena ay si xun u saamaysay abuur iyo qalabka beeraha oo aysan haysan si ay u qotaan ugana faa’iidaystaan tabcabka xilliga dayrta beerahooda taasoona ku riday dibu dhac, dagaaladda hadda jiraana waxay sii keenayaan dibu dhac kale.
Sidoo kale madaxa Oxfam ee Soomaaliya wuxuu kaloo sheegay in iyadoo weli ay socdaan hanaanka badbaadinta nolosha ee biyaha lagu geynayo badi dhulka, haddana in lagu khasbay in badan inay hakiyaan hawlahooda, sida in la qodo ceelal cusub, qaybinta abuurka beeraha, qalabka iyo xoogaa gacan gelis lacag ah oo bulshadda la siin lahaa, arrimahaan oo gebi ahaanba dib u dhacay hadda, waxayna arrimahaani keenayaan inuu xumaado midhihii wax soo saarka ee la goosan lahaa bisha Janaayo ee inagu soo fool leh. Sidoo kale dhibaatadda dhinaca amaanku waxay ku khasbaysaa beeralay badan inaysan u dhaqaaqin beera qodaalka.
Soomaaliya ayaa tobanaan sanno ku jirtey cunto yaraan ba’an laakiin dagaaladda iyo weeraradda ay beesha calamku taageerayso ayaa uga sii daraya xaaladahay ku nool yihiin dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed ayuu hadalkisii ku soo gunaanaday Mr. Gebregziabher. Incursion.
Oxfam
Horn East & Central Afirca