Ammaanka oo sii xumaanaya ayaa ku keenay dhibaato nolosha xerooyinka qaxootiga ku yaal Dhadhaab gaar ahaan xerada Kaambi caws oo ah xero dhawaan laga furay degaanka Xagardheere, hawlihii adeeg ee hayaddaha gargaarku ka fulinayeen xeradaas oo gaabis ku yimid ayaa iyana keenay inay ku adkaato helista adeegyadii aassaasiga ahaa sida caafimaadka, cuntada, biyaha iwm.
Waxaanna wakhtigaan dhakhaatiirta xeryahaasi xaqiijiyeen in cudurka Daacuunku wakhtigaan ka dilaacay xeryaha Ifo, Dhagaxley iyo Kaambi Caws, cudurkaan ayaa ka dhasha nadaafad xumidda iyadoo xeryahani wakhtigaan saxadoodu tahay kuwo aad u liidata, halka roobab mahiigaan ahina ka da’ayaan, waxaa is dhex yaal qashinkii iyo bihii roobka, dhibatadaas dhinaca saxadda ah ayaa keentay in uu dilaaco cudurkaani.
Salaan Guudle Cabdi oo ah madaxa u qaabilsan deegaanka Dhadhaab dhinaca cafimaadka wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay inay 10 qof oo ay baaritaanno ku sameeyeen ka heleen cudurka daacuunka, iyadoo uu dadka waayeelka iyo caruurtaba soo ridanayo cudurkaani.
“Laba xero ayuu cudurku hadda ku daran yahay, Dhaxgley iyo Kaambi Caws ayuu hadda cudurku si daran uga jiraa, markaan xaqiijinay 5tii bukaan ee ugu horaysan inuu yahay daacuun, waxaan bilownay la tacaalid, inkastoo aysan jirin dad u dhintay”
Salaan Guudle ayaa sheegay in dadaalkastoo cudurkaan lagula tacaalayo ay hakisay dhibaatadda dhinaca amaanka ee taagani, waxaana yar isu socodka gaadiidka hay’adda gargaarka ee isaga kala goosha xeryaha qaxootiga.
Dr. Siyaad Dubad waa hawl wadeen ka tirsan hay’adda dhakhaatriita aan xuduudda lahayn ee MSF Spain, wuxuuna sheegay inay jirto nafaqo dari ba’ani, xoolo bakhtiyey ayaa daadsan xeryaha dhexdooda, iyo qashin fara badan, hay’addihii hagaajin jirey dhinaca saxadda ayaan iyagu waxba qaban karin sababo amaanka dartood.
Hay’adda qaxootiga qaramadda midoobay ee UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in halista cudurka daacuunku ay sii kordhayso xeryaha gaar ahaan xilligaan oo ay da’ayaan roobabkii dayrtu.
Ka sokow daacuunka dilaacay waxaa jira dhibaatooyin kale oo dhinaca nolosha ah oo ka taagan xeryahaas, gaar ahaan xeradda Kaambi Caws oo dhowaan la yegleeyey.
Haddaba weriyaheenna Dhahaab Farxaan Lafoole oo tegey xeradda ayaa wuxuu dhex maray dadka wuxuuna ka soo qaaday codadkaan;
“Aniga waxaan ahay qof waayeel ah oo jilicsan ,waxaan haystaa caruur yar yar oo agoon ah ma doonan karo raashinka maxaa yeelay aad ayay iiga fogtahay goobta lagu qeybiyo raashinka mana haysto cid ii doonta ” sidaana waxaa idaacadda ERGO u sheegtay hooyo da,ah oo kamid ah qaxootiga ku sugan xerad Kaambi Caws.
“Anagu halkaan kuma haysano daryeelkii aanu u baahnayn, sida caafimaadka, biyaha, cuntada iwm, waxaan nahay dad naafa ah oo aan awoodin in ay soo qaataan raashinka, dhib ayaa na haysta ee ALLAAH hanaga saaro dhibaatada” sidaana waxaa yiri mid kamid ah dadka naafada ah ee ku nool xerada kaambi caws.
Waxyaabaha kale ee ay ka cabanayaan dadka ku nool xerada Kaambi caws ayaa waxaa kamid ah dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku qabaan teendhooyinki ay ka dhisteen xerada dhexdeeda xilli milic aad u darani ay ka jirto degaanka ,
“Waan ku gubannay teendhada waxaan maahan guri, indhihi ayaa nahuraya waxaasina waa kulaylka ka soo baxaaya teendhada, waxaan codsanaynaa in naloo dhiso hooy ka wanaagsan teendhooyinka” sidaana waxaa ERGO u sheegtay haweeney da,ah oo kamid ah dadka ku nool xerada Kaambi Caws.
Waxaan ahay indhoole korki oo dhan ayaa dubki iga dhacay, kulaylkaan ka soo baxaaya teendhooyinka ayaana ugu wacan,waa hur iyo kuleyl sidii foornada oo kale , sidaana waxaa ku warantay haweeneey 85jir ah oo kamid ahayd qoysas ka soo barakacay colaadaha ka jira magaalada Muqdisho oo haatan ku sugan xerada Kaambi caws.
Si kastaba ha ahaatee xerada Kaambi caws oo qiyaastii illaa 6km u jirta xerada weyn ee Xagardheere ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka jiray dhibaatooyin bani’aadaminimo, kuwaasoo yimid ka dib markii uu xumaaday amaankii ka jiray degaanka, taasoo sababatay in dadku ay waayaan adeegyada lagama maarmaanka u ah noloshooda, sida caafimaadka, biyaha, cuntada iyo hoyga.
Suhayba/Farhan/MH