Goobaha lagu qeybiyo raashinka ee ku yaalla gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayey falal aad u naxdin badan, kuwaasoo ay ka mid tahay dil loo geysto dad barakacayaal ah oo sugayay raashin.
Mid kamid ah xerooyinka ku yaala Muqdisho waxaa ku geeriyooday todobaadkaan bartamihiisa 3 ruux iyadoo tira kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantoodba ahaa dad barakacayaal ah, waxaana dhacdadaani ay timid kadib markii mid kamid ahaa askarta ciidamada DFKMG Soomaaliya uu rasaas ku furay xilli dadkaasi ay saf ugu jireen in ay helaan raashin laga qeybinayay goobtaasi.
Dhacda kale oo taa lamid ah ayaa iyaduna ka dhacday xero ku taal degmada Kaaraan waxana ku geeriyootay inta la xaqiijiyay afar ruux oo ay ku jirtay haweeney uur lahayd, iyadoo toban kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantoodba qeyb ka ahaa qoysas barakacayaal ah oo raashin loo qeybinayay ka dib markii sidaasoo kale uu askari katirsan ciidanka DFKMG Soomaaliya uu rasaas ku furay dadki sugayey..
Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale goob ay ka socotay cuna qaybin waxaa naftooda ku waayay saddex ruux iyadoo shan kalena ay soo gaareen dhaawacya kala duwan, waanna dad barakacayaal ah dhammaantood kadib marki uu askari katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu rasaas aan loo meel dayin ku furay xilli dadkaasi ay raashin safaf ugu jireen.
Qoysas barakacayaal ah oo iyaguna ku sugan qeyba ka mid ah xaafadda Siigaale ee degmada Hodon ayaa iyaguna sheegay in raashin gargaara oo loo keenay ay ka boobeen ciidamo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunnah.
Qaar kamid ah hay,adaha xuquuqda aadamaha ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in barakacayaasha ku dhintay rasaasta la furo xilliyada raashinka loo qeybinayo ay kor u dhaafayso siddeetan ruux sanadkaan gudihiissa, kuwaasoo u badan haween .
Arrimahaan oo ah hadal heynta ugu badan ee ka jirta magaalada Muqdisho ayaa waxay tahay mid saaamayn ku yeelatay qoysaska barkacayaasha ah taasoo noqotay “halkii cir laga filayay waxaa ka yimid ceeryaamo!”.
Haddaba maxay tahay sababaha inta badan ciidamada ka tirsan ama ka amar qaata dawladda Soomaaliya ay rasaasta ugu furayaan goobaha cuntada laga qeybinayo, maxayse tahay sababta kale ee loo eedeynayo dadka iyaguna loo qeybinaayo gargaarka?, waxaan arrimahaasi wax ka weydiinay barafisoor Cabdirashiid Maxamad oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay marka hore in dilka xad dhaafka noqday ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka geystaan goobaha laga qeybinayo raashinka ay ugu wacantahay wada shaqayn la,aan ka dhex jirta hay,adaha dowladda iyo hay,adaha ku shaqada leh ka shaqaynta samafalku aysan iska xilsaarin ammaanka dadka ay doonayaan inay caawiyaan gaar ahaan dhinaca cunnada loo qeybinaayo, wuxuuna ugu dambayntii ku taliyay in tallaaba adag ay dowladdu ka qaado kuwa caadeystay in ay laayaan shacabka masakiinta ah ee sugaya in loo qeybiyo raashin iyo dhuuni ay cunaan.hadii kale ay dowladdu ku fashilmi doonto shacabkeeda.
Arrimahaan dhibatooyinka loo gaysanayo barkaacayaasha ayaa waxaa ugu danbeeyey laba maalmood ka hor rag xiran direyska ciidamada ay boobeen raashin loo qeybinayay barakacayaal ku sugan kaam ku yaala agagaarka cisbitaalka Digfeer.
Sida baaritaanno Radio Ergo sameeyey waxaa jira oo kale kufsi si baahsan uga socda xeryaha barakacaasha, arrimahaan oo aysan jirin cid loo qabtay ama loo horkeenay maxkamad.
C C/MH