Booliiska Burco oo howlgal qaaday

0
75

TOGDHEER:- Howlgal ballaaran oo lagu cirribtirayo khamriga iyo muqaadaraadka ayna qaadeen ciidamada booliiska magaalada Burco, ayaa waxay ku soo qabteen in ka badan 30,000 liitar oo khamri ah iyo hub sharci darro ah oo tiradiisa lagu sheegay 6 qori.

Sida uu sheegay taliyaha qeybta booliiska gobolka Togdheer oo ciidamada howlgalkaas qaaday hoggaaminayay Saleebaan Dhagacadde, howlgalka waxaa fuliyay ciidamada booliiska ka ddib dabagal baaritaan ah oo lagu soo ogaaday illaa 6 goobood oo lagu iibiyo khamriga, iyadoo sidoo kalena booliisku ay soo qabteen 17 qof oo lagu eedeeyay in ay ka ganacsanayeen khamriga.

Taliyaha Saleebaan Dhagacadde, ayaa sheegay in howlgalku uu ku dhacay si nabadgelyo ah marka laga reebo kooxo isku dayay in ay ka dhaga adeygaan amarka ciidamada, taasi oo keentay in booliisku ay isticmaalaan awood si ay u galaan dhisme ay ku jiraan dadka la soo qabqabtay, kuwaasoo ka dhaga adeygay in ay furaan guriga.

Mar aanu wax ka waydiinnay waxa laga yeelayo dadka la soo qabtay, ayaa wuxuu sheegay Saleebaan Dhagacadde inay maxkamad la tiigsan doonaan eedaysanayaasha, isagoo dhinaca kale digniin u jeediyay dadka ku lugta leh waxyaabaha anshax xumada ah sida aflaamta dhaqan xumada ah.

“Ma oggolaan doonno in Video-yada anshax xumada ah lagu daawado goobaha dadweynaha.”

Tallaabadaas ay qaadeen ciidamada ammaanka, ayaa waxaa soo dhoweeyay dadweynaha reer Burco oo sheegay in haddii khamriga iyo hubka sharci darrada ah aan wax laga qaban ay sababi karaan in nabadgelyadu faraha ka baxdo.

Sidiiq Yuusuf Qalaf/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here