Xilli roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka deegaanka ay ka curteen deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, ayaa haddana waxaa jira nadaafad darro ka dhalatay roobabka isla markaana sababay inay dillaacaan cudurrada ka dhasha biyaha.
nadaafad darrada ka jirta xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo, waxaa ka hadlay saraakiisha caafimaadka oo sheegay in cudurrada ka dhasha ay wada saameyn karaan dadka ku nool xaafadahaasi.
Kadib markii deegaannada qaarkood ay ka dillaaceen cudurro uu ka mid yahay shubanka, ayaa maamulka degmada Baydhbo wuxuu dar dar geliyay hawlo nadaafadeed oo markii hore ka soconayey xaafadaha magaalada, waxaana ololaha ka qeyb galaya bulshada ku nool xaafadaha oo iskaashanaya.
Xasan Ibraahim oo kamid ah hawlwadeennada loo xilsaarey ololaha nadaafadda ayaa sheegay, in tan iyo markii ay billaabeen dadaallada la xiriira nadaafadda ay qaadeen tallaabooyin muhiim ah oo si weyn u saaciday nadaafadda iyo soo celinta bilicda magaalada.
Xasan wuxuu sheegay inay soconayaan qorshayaal lagu ballaarinayo nadaafadda, isla markaasina la gaarsiin doonno xaafado fog fog oo ku yaalla duleedyada magaalada Baydhabo.
Tallaabadaasi waxaa soo dhoweeyay dadka deegaanka, iyadoo haatan ay ku soo beegantay xilli roobab mahiigaan ah ay ka da’ayaan gobolka kuwaasi oo markasta saraakiisha caafimaadku ay sheegayaan in ay ka dhalan karaan cudurro haddii aan la sameyn dadaallo la xiriira caafimaadka, wacyigelinta iyo nadaafadda.
Wixii ka dambeeyay markii ay billowdeen dadaallada nadaafadda la xiriira, waxaa dib u soo laabtay bilicda magaalada iyadoo lagu guuleystay nadiifinta waddooyin badan oo ay yaalleen khashin fara badan iyo kuwo ay biyaha roobka dhex ceegaageen.
Cabdicasiis Cabdinuur/FM