Deegaanka Qooqaani oo ku yaalla Gobolka Jubbada hoose, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay noqotay mid go,doon ku jirta isla mar ahaantaana ka go,an deegaannada kale ee gobolka.
dadka deegaanka oo la soo xirriiray raadiyaha ERGO ayaa sheegay in dadku xilligaan aysan heysanin wax ay cunaan “ma jirto haba yaaraatee wax raashin ah oo yaalla tuuladeenna mana jirto wax hay’ado samafal ah oo la soo xiriiray ama ka warqaba xaaladda dhabta ah ee ka jirta degaankeenna, dadku waxay billaabeen inay cunaan caleenta geedaha”. sidaa waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Waxgaradkan ku hadlayay magaca dadka deegaanka Qooqaani, ayaa codsaday in gargaar xagga hawada looga soo daadiyo haddii ay suuragal noqonayso.
Waxaa go,an oo xiran saddexda waddo ee muhiimka u ahaa isu socodka Qooqaani taasoo keentay in deegaanku uu noqdo mid ka go,an deegaannada kale ee gobolka.
cabashooyinkaan ka soo yeeraya dadka deegaanka Qooqaani, ayaa ku soo beegmaya xilli ay colaado u dhexeeya ciidamada dowladda ku meel gaarka ah ee Somalia iyo dhaqdhaqaaqa Raaskambooni oo ay taageerayaan ciidamada dalka Kenya iyo xarakada Alshabaab ay ka jiraan gobolka Jubabbada hoose gaar ahaana nawaaxiga Qooqaani.
waxaa deegaanka iyo deegaanno kale oo ku xeeran ay noqdeen meelo ay ku soo qulqulaan dhinacyada dirirtu u dhexeyso.
MH/CC/FM/MG