Warbixin ku saabsan xannaanada xoolaha

0
98

Waxaa la isku raacsan yahay in waddanka Soomaaliya uu leeyahay xoolo aan cadadkooda la soo koobi karin, kuwaasoo ah nooca ugu wanaagsan xoolaha lagu dhaqdo adduunka korkiisa. iyadoo aqoonyahannadu sheegeen inay taasi tahay tan keentay in kumannaaan xoolo ah laga dhoofiyo waddanka, ayna noqdaan tiirka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Haddaba xannaanaynta xoolaha ayaan jirin, iyadoo ay saamayn ku yeesheen daagaallada 21-ka sano socda, dhaqashadii iyo tacabkii laf dhabarta dhaqaalaha Soomaaliyeed waa xoolaha nool e.

Xoolaha la dhaqado oo kala ah Geela, Lo’da, Adhiga iyo Fardaha gobolkasta oo waddanka ah xoolahan qayb ka mid ah waa lagu dhaqdaa, Dr. Mohamed Omar Enow oo ah dhakhtar ku takhasusay xoolaha ayaa wuxuu leeyahay:

“Cudurrada ku dhaca xoolaha way fara badan yihiin, wayna kala duwan yihiin, xilliyada ay ku dhacaanna waa kala geddisan yihiin, kuwo dadku sababaan waa jiraan kuwo deegaanku keenaana waa jiraan. wakhtigaan hadda la joogo xoolaha waa isku mid waxaan annagu baaritaan ku samaynay gobollada dhexe sida Cadaaddo iyo Caabudwaaq, cudurradan ka helnayna wa isku mid, sambabka, furuqa, cabeebka, dhiciska, mandheerta, iyo gooryaanno kala geddisan, cudurka Sambabka ayaana ah kan ugu badan ee dila xoolaha Soomaalida” .

Cudurradaan ayaa ah kuwo badi ku dhaca xoolaha Soomaalida, Dr. Mohamed Omar wuxuu sheegayaa in cudurrada uu gooryaanku keeno ay yihiin kuwa waydeeya neefka, kana dhammeeya cadka iyo caanahaba.

Talooyinka la siinayo xoolo dhaqatada ayaa ah in ay la socdaan daaweynta iyo wanaajinta saxada xoolaha, xooluhu sida dadka ayey ugu baahan yihiin in loo daaweeyo. hay’ad la yiraahdo Solidarity ayaa hadda wadda inay tababarto dadka ku nool tuulooyinka gobollada dhexe iyadoo la rajaynayo in Soomaaliya oo dhan la gaarsiiyo.

Bacda la isticmaalo ayaa iyaduna ah dhibaato haysata xoolaha iyadoo ay xooluhu cunaan ka dibna cudur ay ku noqdaan, waana tan ugu khatarsan, mana jirto daawo bac lagu daaweynayo. sidoo kale dhakhtarku wuxuu ka digey in la siiyo foolyada Muuska xoollha ayna u keenayso dhibaato caafimaad.

Talooyinka kale ee xoolo dhaqatada ayaa ah inay iyagu ay is xilqaamaan ayna duugaan dhammaan waxyaabaha dhibaatada u keenaya xoolaha ayna ugu horrayso bacda, iyadoo aan la sugin dhakhtar iyo cid gaar ah.

Arrimaha kale ee dhakhtarku ka digay ayaa a,h inay jiraan tallaal lagu sameeyo xoolaha looga hortagayo cudurrada, loomana baahna in marka neefka la tallaalo muddo 5 maalmood ah aan caanahadooda la cabi karin “masuuliyaddu waxay saaran tahay dadka xoolaha leh, annaga dhakhaatiir ahaan waxaan siinnaa talooyin, dhibaatada kale waa dadkii oo siinaya xoolihii daawooyinka dadka loogu tala galay taasina waa khalad” ayuu sheegay dhakhtarku.

Cumar Tiijar/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here