War qoraalka oo ay soo saartay gabadha xoghayaha guud ee QM ugu qeybsan isku xirka howlaha gargaarka deg degg aah Valerie Amos, ayaa waxay sheegtay in ay aad ugu xuntahay in Alshabaab ay si xoog ah ula wareegaan hantida iyo qalabka ay lahaayeen hay’ado aan dawli ahayn iyo kuwa QM –kuwaas oo ka shaqeynayay sidii dhibaatada koonfurta Soomaaliya ka taagan ay wax uga qaban lahaayeen.
Dadaallada dhinaca gargaarka ah ayaa tan iyo markii shaaca laga qaaday in ay macaluul ka jirto dalka bishii July, waxa ay badbaadiyeen kumannaan kun oo qof, laakiin xaaladda wali ka taagan koonfurta Soomaaliya ayaa waxay tahay mid halis ah. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa wali waxay wajahayaan xaalad adag , iyadoo 250,000 oo qof oo kale ay iyana hayso macaluul.
QM waxay sheegaysaa wax kasta oo wax u dhimaya hannaan socodka howlaha xagga taakuleynta ah, inay halis galinayaan horumarka sanadkan, iyadoo xaalad macaluul ahna ku beeri karta goballada kale.
Mrs Amos waxay ka codsatay Alshabaab in ay dib u eegaan go’aankaasi lagu xiray hay’adaha samafalka, iyadoo u soo jeedidisay kooxaha gacanta ku hayo dhismayaasha inay isaga baxaan.
Mohamed Garane/FM