REER GUURAAGA OO RAJAYNAYA SOO KABASHO NOLOLEED IYO CABSI LAGA QABO INUU DILLAACO CUDURKA DUUMADA.

0
95

Abaaro daran oo soo maray qaybaha waddanka, ayaa bishii ugu dambaysay waxaa la guda galay xilliga Dayrta oo badi dhulka Soomaalidu roobsaday, weriyaheenna Xasan Burtinle ayaa socod ku maray qaybo badan oo ka tirsan gobolka Mudug, wuxuuna ka warbixiyey wuxuu indhihiisa ku soo arkay.

Waxaan socodkayga ka billaabay Gaalkacyo, waxaan tegey tuulada Xarfo, degmada Galdogob, Jariiban, Balli Busle iyo illaa Burtinle oo gobolka Nugaal ka tirsan, illaa xilligaan waxaa dhulkaas ka da’aya roobabkii dayrta, Axmed Aadan oo ah oday 70 jir ah kuna sugan Balli Busle ayaa Raadiyo ERGO u sheegay in xilli roobaad wanaagsani da’ayo, ayna dayrtani ka mid tahay kuwii weligii uu arko kuwii ugu wanaagsanaa, wuxuuna sheegay in kastoo badi xoolihii dadka reer miyiga ahi kaga lumeen abaartii darnayd haddana ay rajo ka qabaan in xilligaan oo barwaaqo ah ay ka soo kabtaan dadka.

“dadku kuma noola wax dheef ka timaadda xoolaha waayo xooluhu ma lahan caano, hadda ka dib ayuunbaa laga sugayaa siiba Adhiga” ayuu hadalkiisii ku sii daray.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa inuu dillaaco cudurka Duumada, iyadoo wakhtigaan dadku ka cabanayaan kaneeco aan horay loogu arag deegaanka, waxaana taas sii weheliya biyahii roobka oo fadhiya goob kasta oo godan. Madaxa malariyada ee wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xasan ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyaan in badan oo ka mid ah balliyada iyo goobaha biyo qabatinnadda Puntland ayna ka heleen nooca kaneecada keena Duumada teeda ugu khatarsan, ayna tahay wakhtigaan welwelka ugu badan ee taagan in cudurka Duumadu si saf mar ah uu u dillaaco.

Wasaaradda caafimaadka iyo sanduuqa badbaadada carruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF, ayaa hadda wada dadaal ay ku qaybinayaan mara kaneecooyinka daaweysan iyo daawo loo cuno Duumada oo aad u tayo wanaagsan, ololahaan ayaa hadda laga billaabay gobolka Mudug iyadoo la gaarsiin doono gobolladda kale ee maamulka Puntland iyadoona qorshuhu yahay siday sheegtay wasaaradda caafimaakda Puntland in la geeyo agabkaan Duumadda looga hortagayo dhamaan goobaha miyiga ah.

Xasan Burtinle/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here