Xaaladda soomaalida ku nool dalka libya

0
107

Dalka Libiya waxaa hore ugu sugnaa Soomaali badan oo u galay dalkaasi inay marin uga sii dhigtaan waddamada Yurub, waxaa haatan oo dalkaasi ay ka dhaceen is beddal siyaasadeed meeshana uu ka baxay xukunkii madaxweynihii la dilay Mucammar Alqadaafi weli Soomaali badan ayaa ku sii qulqulaya dalkaasi.

Waxay soo maraan safarro dhaadheer oo qaata in ka badan bil, waxay soo maraan saxaraha oo qaarkoodna ay oon iyo gaajo ugu geeriyoodaan saxaraha dhexdooda.

Balse tan  iyo markii kacdoonka uu ka billowday Libiya iyo haatan oo kooxaha mucaaradka ay la wareegeen xukunka dalka Libiya, waxaa Soomaalida iyo dadka kale ee Afrikaanka ahba soo wajahay cabsi xoog leh oo ku aaddan in la ugaarsado oo labada dhinacba ay ku tuhmaan in kooxda kale ay la jiraan.

Waxay Soomaalida dalka Libiya ka soo galaan meelo kala duwan,  sida kuwo ka yimid dalka Soomaaliya, kuwo dhanka Itoobiya ka yimid iyo kuwo ka baxay dalkani Kenya.

Cabdiraxmaan Cali Maxamuud, oo ku sugan magaalada Tripoli ee caasimadda ah, ayaa raadiyo ERGO u sheegay in isaga iyo Soomaali gaareysa 800 ay ku jiraan xero lagu magacaabo Dacwatul Islaam, isla markaana aysan jirin cid caawisa oo wax u qabata.

Xeradan looma oggola qaxootiga kale, keliya waxay u furantahay dadka Soomaalida ah, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xaalad adag ay ku jiraan Soomaalida “midab takoor ayaan la kulannaa  mararka qaar, halkan lagama jecla midabka madowga ah, haddii aan ka baxno xerada oo aan shaqooyin yar soo qabaneyno si aan uga helno waxaan cunno, dad u dhashay deegaanka oo toorreyo wata ayaa naga xooga mararka qaar” sidaa waxaa yiri Cabdiraxmaan oo walwal badan uu ka muuqday.

Seynab Maxamed Cali, waa 26 jir waxay ka mid tahay dadka ku jira xerada Dacwatul Islaam waxayna soo gashay safar dheer oo qaatay muddo bil ku dhowaad ah oo ka soo billowday magaalada Muqdisho, Itoobiya illaa Libiya, waxayna timid xeradaasi intii qalalaasaha ay ka socdeen dalkaasi.

“Reerkeyga waan ka soo dhuuntay, anigoo og qalalaasaha ka jira Libiya, waxaan u soo aaday duruufo ka jira meeshaan ka imid, inkastoo aan ogahay in badda ay halis tahay, hadana wxaaan doonayaa inaan galo dalka Talyaaniga, haddii eebbe idmo”. Ayay tiri Seynab.

Cabdiraxmaan  Maxamed, wuxuu ka mid yahay dhalinyarada xeradaasi ku jirta wuxuuna Libya soo galay bartamihii bishii Agoosto ee sanadkaan, wuxuuna ka sheekeynayaa dhibaatadii uu la kulmay intii uu joogay dalkaasi “maalin ayaa annagoo ku jirna safaaradda Soomaaliya ee Libya, waxaa noogu soo galay niman hubeysan way noo hanjabeen, waxaan galnay halis waxaana u qaadannay inay na layn rabaan”.

Cabdiraxmaan ayaa intaa raaciyay, in markii hore ee dalkaasi ay dowladda ka jirtay aysan qabin wax baqdin ah, balse haatan oo sharci iyo kala dambeyn aysan ka jirin ay ka baqayaan in dhibaato loo geysto.

“Marka uu dal ka jiro sharci, xitaa haddii lagu soo qabto waxaa lagu marsiinayaa sharciga, in dib laguugu celiyo halkaad ka timid ama in xabsi lagu dhigo, balse haatan waxaa lagugu sameyn karaa wixii la doono, sidaa darteed ayaan halis ugu jirnaa”. ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Ammaan darrada ka jirta Libiya, waxay keentay in hay’adaha gargaarka aysan gaari karin dadka qaxootiga ah. Hay’adda Islamic Relief iyo hay’adda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa caawimaad ay dadka Soomaalida ah ay ka heli jireen joojiyay.

“Hay’adahan waxay inoo sheegeen inay joojiyeen caawinaaddii ay inoo sameynayeen, waxay UNHCR ina siisay kaarka aqoonsiga qaxootiga, waxayna nagu wargeliyeen in dalka aysan ka sii shaqeyn karin. sidaa darteedna aan magaalada ka degno guryo kiro ah. anagana ma degi karno waayo waxaan ka abqeynaa in nala ugaarsado sidoo kalana ma heysanno qarash aan kirada isaga bixinno” sidaa waxaa yiri Cabdiraxmaan.

Dadka Soomaalida ah oo safar dheer oo dhib badan u soo maray Libiya, ayaan rajeyneynin inay dib uga laabtaan dalkaasi waxayna quud darreynayaan inay gaaraan hadafkooda ah inay galaan wadamada yurub mid ka mid ah.

“aniga hooyadey waxay iska iibisay boos dhul ah oo aan lahayn, waxayna dooneysay inaan heer gaaro oo aan Yurub galo kana helo shaqo wanaagsan, sidaa darteed mar un waxaan rajeynayaa inaan badda galo oo aan u gudbo yurub” ayuu Cabdiraxmaan hadalkiisa sii raaciyay.

Waaxda arrimaha qaxootiga ee qaramada midoobay UNHRC ayaa horay uga digtay  bartilmaameedsiga lagu hayo dadka ka soo jeeda waddamada Afrika oo si xunna loogu geysto tacaddiyo, waxayna ugu baaqeen golaha ku meel gaarka ah ee Libiya NTC inay xil iska saaraan sidii loo badbaadin lahaa dadkaasi.

Dalka Libiya ayaa haatan waxaa ka dhacay is baddal siyaasadeed, iyadoo xukunka ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ah. Soomaalida qaxootiga ah ee jooga dalkaasina ma oga waxa ay la kulmi doonaan mustaqbalka.

MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here