Sicir barar ballaaran oo ku yimid qiimaha hilibka magaalada Laascaanood

0
58

Hilibka, raashiinka iyo shidaalka oo kor u kacay,  iyo sarrifka qiimaha shilnka Soomaaliga oo hoos u dhacay ayaa  bilihii ugu dambeeyay saameyn weyn ku yeeshay dadka ku nool magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sicir bararkan ayaa wuxuu saamayn ku yeeshay qiimaha hilibka ee gudaha magaalada Laascaanood lagu kala iibsado oo maraya qiimo aad u sarreeya, gaar ahaan  qoysaska danyarta ah ayaan  heli karin qiimahan qaaliga ah ee hilibka lagu gadayo. dhanka kale dadka ka ganacsada hilibka ayaa waxay walaac badan ka muujiyeen qiimaha sii kordhaya ee hilibka .

Qaar ka tirsan haweenka ka ganacasada hilibka ayaa waxay raadiyo ERGO u sheegeen,  in qiimahan uu yahay mid dhibaato wayn ku haya dadka hilibka qala oo iyaga laga siiyo qiimo qaali ah oo aanay neefka xoolaha ah ka heleynin  wax faa’iido ah.

 Waxay haweenkan intaa raaciyeen, in marka hilibku uu qaali noqdo aysan heleynin ced ka iibsata sidaasina ay khasaaro ku soo gaarto, oo qaarkoodna lacag dheeri ah lagu yeesho.

Waxaa jira qaar ka tirsan haweenka oo iyagu iska daayay inay ka ganacasadaan hilibka, markii qiimaha laga siiyay iyo kan ay siinayaan  khasaare ballaaran  uu ka soo gaadhay.

Si kastaba ha ahaatee xaaladdan dhanka nolosha ah ayaa waxay tahay mid culays wayn ku soo kordhinaysa dadka ku dhaqan gobolka Sool, waxa iyana culayska sii kordhiyay hoos u dhaca shilin Soomaaliga oo keenay in qiimaha raashiinka uu noqdo mid aanay gadan karin dadka danyarta ah ee ku nool magaalad Laascaanood.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here