Goobaha lagu kariyo cunnooyinka bisil ee ay barakacayaashu ku tiirsan yihiin ayaa muddooyinkii ugu dambeysay u muuqda kuwo soo kordhayay, kadib markii ay soo bateen ha,adaha iyo dadka u istaagay inay caawiyaan dadka dhibaataysan gaar ahaan kuwa ka soo hayaamay abaaraha ku dhuftay gobollada Soomaaliya.
Gudaha magaalada Muqdisho, waxaa ku sugan qoysas barakacayaal ah kuwaasoo ay haystaan duruufo xooggan oo dhanka nolosha ah, waxay ku noolyihiin oo ay degganyihiin aqallo ka samaysan baakado iyo baco kuwaasoo aan awood u lahayn in ay ka celiyaan dhaxanta ay wataan roobabka iyo milicda daran ee qorraxda ,haddaba qoysaskaasi oo magaalada kaga nool kaamam ama xerooyin loo bixiyay magacyo kala duwan ayaa waxay isugu jiraan qoysas iyagu ku dhex barakacay gudaha magaalada Muqdisho,iyo kuwa kale oo ka yimid gobollada kuwaasoo ka soo hayaamay abaaraha ka jira gobollada koonfureed ee dalka.
Inkastoo muddooyinkaan dambe ay jiraan gurmadyo bini,aadamannimo, oo ka imanayay dawlado iyo ururro samafal ah ayaa hadana wali waxaaa jirta dhibaatooyin nololeed oo haysta qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool xerooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah xerooyinka waxaa ka socda oo ka billowday cunno bisil oo loo qeybinayo barakcayaasha ,taasoo qeyb weyn ka qaadatay baahidooda nololeed ee ay qabeen.
“Waxaan maalintii aadnaa kaam lagu kariyo cunno bisil,halkaasoo aan aniga iyo carrurtaydaba ka helno soor iyo misir” sidaa waxaa Raadiyo ERGO u sheegtay Sacdiya Xasanoow oo ah haweeney ka mid ah qoysas ka soo hayaamay Ceel wareegoow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Sacdiya, ayaa intaasi ku dartay in ay haysato saddex carruur ah oo Aabbihii dhalay ay kala tageen “ma jirto cid gacan iga siisa korriimada carruurteyda wixii aan u helo ayaan siiyaa ayay hadalkeeda sii raacisay Sacdiya oo ka mid ahayd dad safaf dhaadheer ugu jiray sidii ay u heli lahaayeen cunno bisil.
Goobta lagu qeybinayay raashinkaasi bisil waa goob saxmad badan, badanaa dadka safafka ugu jiray helidda raashiinkana waxay u badnaayeen carruur iyo haween.
mid kamid ah carruurtii ku jirtay safafka loo galayay cunno qaybinta oo uu Raadiyo ERGO weydiiyay halka ay waalidkii aadeen ayaa sheegay in hooyadii ay tahay umul isla mar ahaantaana ay isaga u soo dirtay in uu soo qaado raashiinka.
Cali-nuur waxa uu ka mid yahay ma suuliyiinta mid kamid ah kaamamka lagu kariyo cunnooyinka bisil waxa uu isna Radio Ergo u sheegay in maalintii ay hal galin bixiyaan cunnada bisil isagoona sheegay in jikadaas ay ku nool yihiin oo ay maalin waliba yimaadaan illaa in ka badan 300 oo ruux kuwaasoo u badan carruur iyo haween ka mid ah qoysaska barakcayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada dharkenleey.