Codsi bani’aadanimmo

0
168

Hey’adda DDG ee Dhenishka waxay si xishmad leh oo bani aadnimo ku jirto kaga codsanaysaa bulshada deegaanga, odayaasha dhaqanka iyo wax gardaka in ay gacan ka geystaan siideynta shaqaalaheeda laga afduubay. Shaqaalahan ajanabiga ah waxaa laga afduubtay Galkayo tarikhdu markay aheyd 25 October 2011. Waxay shaqaalahan la afduubay kala yihiin  Poul Thisted, oo ah nin 60 jir ah oo u yimid dalka Soomaliya in uu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibataysan gobolka  iyo Jessica Buchanan oo 32 ir ah oo ah Gabadh macalimad ah oo iyaduna nafteeda u hurtay in ay wax barto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka.

Labada shaqaale ee la afduubtey waxay ka mid yihiin bulshada gargaarka caalimiga kuwaso ay ka go’neyd in ka shaqeyaan Soomaliya  iyagoo ku tageraye DDG cawinada biniaadnimo ay siinayso bulshada Somaliyeed waxayna matalayeen howlaha gargarka calimiga ah iyo midda cawinada Dhenishka ee loogu talo galay bulshada Soomaliyeed ee dhibateysan eek u dhaqan gobolkaas.
Hay’ada miino baarista ee Dheenisku waxa ay la shaqeyneysay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan goboka ilaa sannadihii 1999- taas oo markasta ku hawlaneyd wax ka qabashada arimaha gar gaarka bani aadanimo. Hadaba, iyada oo manta dadka soomaaliyeed ay daris la yihiin dhibaaatooyinka ay sababaeen dagaalada iyo abaaraha waxa haboon iyo aynu ka wada shaqeyno sidii loo fududeyn lahaa gaadhsiinta dadka dhibaateysan adeega hawlaha gaarka baniaadanimo.
DDG waa Hey’ad tix raacda ka shaqeynta gargaarka binaadnimada si loo taagero dadka ay dhibatoyinka ka soo gareen abaaraha iyo colaadaha. Hadaba shaqaalaha hey’adani waxay had iyo jeer ku shaqeeyan mabaadi’da dhexdhexadnimada iyo gargaarka binadnimo ee aan kala sooca laheyn.

Hay’ada DDG waxay marlabaad halkan ku codsaneysaa taageeradiina mudadan mashaqada dhbaatada ay taagan tahay- taas oo lagu soo hagaajin karo crisis@drchoa.org ama + 254 712 049 153.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here