Barakacayaasha ku dhaqan mid ka mid ah xeryaha ay dadka ugu badan ee barabaxay ay ku jiraan ee magaalada Gaalkacyo, ayaa guud ahaan baaba’day markii Roobab mahiigaan ah ay ka da’een magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo daadad ka dhashay ay qaadeen guryihii cooshadaha ahaa ee ay dadyowgan gabbaadka ka dhigan jireen.
Barabaxayaashan ay daadadku sii barakaciyeen dhawaan ayay ku soo guryo noqdeen xeradaasi, kaddib bil ka hor markii ay halkaa uga carareen dagaal ka dhacay Gaalkacyo oo dad badan ku khasbay in ay guryohooda ka cararaan.
Halkan ay ku taallo xeradan oo ah dhul hoose oo ay biyuhu ku soo ururaan, ayaa ay dhammaan guryihii cooshada ahaa ee halkaa ku yaallay ay daadad ka dashay roobabkan oo halkaa ku soo rogmaday ay qaadeen.
Idaacadda Ergo oo la xidhiidhay qaar ka mid ah dadka ay hoy la’aantu ku dhacday ee xeradaas oo lagu magacaabo Warshad Galley, ayaa dareenkooda ku sheegey hannaan murugo laga dheehan karo, waxana haweeney barakacayaashaas ka mid ah oo ka timid gobolka Baay ay sheegtay in aanay haysan Hoy, Hu’, iyo cunto intaba, xilli ay iyada iyo carruurteeduba dibadda ka joogaan aqal cooshad ka samaysan oo ay xerada Warshad Galley ka daganaayeen, kadib markii aqalkaas iyo alaabihii ugu jireen ay dhammaantood biyaha roobka ka dhashay la tageen.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ee gurmadka u fidiyay Barakacayaashaas ay roobabku guryahoodii ka qaadeen ayaa isna ERGO u sheegey sida ay wax u dheceen iyo marxaladda nololeed ee dadkan haysta waxana uu yidhi C/risaaq Maxamed Yaasiin “dadka halkan ku nool xaaladdoodu aad ayay khatar ugu jirtaa, meel ay u barakacaanna ma garanayaan goobtii ay degenaayeenna gabi ahaan way baaba’day”.
Barabaxayaashan waxa ay badanaa nolol ahaan ku tiirsanaayeen dhismaha guryaha, xamaalka, dhar-dhaqidda, qashin guridda, iyo shaqooyin hoose oo ay ka helaan lacag aan noloshooda ku fillayn, waxana xilligan ay is dul hoganayaan bannaanka xeradaas.
Adam Shardi/MG